Texas (Hargeisa Press) – Nin hubaysan, ayaa rasaas ku furay xarun laga dukaamaysto oo ku dhow magaalada Dallas ee gobolka Texas, halkaas oo uu ku dilay sideed qof, kuna dhaawcay toddoba qof Sabtidii, sida ay sheegeen masuuliyiin kala duwani.
Saraakiisha, ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu toogasho ku dilay askari ka tirsan ciidamada booliska oo ku sugnaa goobta weerarku ka dhacay.
Boolisku weli ma soo saarin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cidda ay yihiin dhibbanayaasha wax ku noqday weerarka iyo qofka toogashada geystay.
Si kastaba ha ahaatee, caruur ayaa la rumaysan yahay inay ku jiraan dhibbanayaasha, sida ay sheegeen dad ku sugnaa xilligii weerarku dhacayey, xaruntan laga dukaamaysto.
Dhacdadan Sabtidii ka dhacday gobolka Texas, ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee qayb ka ah toogasho wadareed ku soo noqnoqda Mareykanka.
AP