Togdheer: Askari Ku Geeriyooday Iska Hor Imaad dhex Maray Dad Shacaba iyo Booliska

0
676

Fiqi Ayuub (Hargeisa press.com): Wararka ka imanaya tuuladda Fiqi Ayuub oo ka tirsan gobolka Togdheer, ayaa sheegaya in  iska hor imaad dhex maray booliska iyo dad shacab ah uu hal askari ku geeriyooday laba kale-na ay ku dhaawacmeen.

Sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha degmadda Fiqi Fuliye Cabdi Weli C/laahi Qodax, oo telefoonka kula hadlay HCTV, ayaa sheegay in shalay galabnimadii ay arrintaas dhacday, isla markaana askariga geeriyooday uu u dhintay Dhagax ku dhacay.

Iyadoo xaaladda ay la wareegeen ciidamadda boolisku, wax warbixin buuxda ahna aan laga haynin, isaguna aanu ka sheegaynin.

Arrinta ayaa markii hore ka bilaabantay kadib markii dad shacab ah oo degan tuuladd Fiqi Ayuub ay ka gadoodeen hawl gal ay boolisku ka sameeyeen meel u dhaw tuuladda, taasoo sababtay in ay Dhagaxaan ku weerareen booliska.

Sida uu faahfaahinayo guddoomiyaha Fiqi Ayuub,  “Kacdoon shicib ayuunbaa meesha yimid, kadibna dad shacab ah ayaa Dhagaxaan ku bilaabay askaritii booliska.

Subaxnimadii shalay ayaa la sheegay in niman wax ku tuur-tuuray meeshii la deganaa, dabadeed-na xagii tuuladda ayay ku soo keceen oo ay is yidhaahdeen sii wacyigeliya oo dadka meelahaas wareegayaa ayaanay idiin imanin, dadkii tuuladuna weerarka dhagaxaanta ayay bilaabeen.

Dad la qab-qabtay way jiraan, laakiin weli wax cad oo aan kuu sheego oo warbixin ah oo aan kuu sheego ma jirto”.

Dhinaca kale ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ay dhacdadaas ka soo saareen taliska guud ee booliska Somaliland am aka gobolka Togdheer.

Hase yeeshee warar aanu helnay oo arrintaas la xidhiidha ayaa sheegaya in dhibaatadu ka bilaaban dadka gadooday in ay ka cadhoodeen meel Dahabka laga qodo oo boolisku ka hor istaagay.

Kadib-na iyagoo taas ka jawaabaya  ay dad isa soo abaabulay Dhagaxaan ku weerareen booliska, sidaasna uu hal askari ku geeriyooday laba kale-na ay ku dhaawacmeen.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here