Tibor Nagy oo Qaramada Midoobay Ugu Baaqay In Somaliland Laga Qaado Afti

0
2718

Washington (Hargeisa Press) – Kaaliyihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka ee Arrimaha Afrika Tibor Nagy, ayaa ugu baaqay Qarammada Midoobay in Somaliland laga qaado Afti ay Qarammada Midoobay damaanad qaaday.

Mr Tibor Nagy oo qoraal kooban ku baahiyay bartiisa Twitterka, ayuu ku sheegay in ay Somaliland geydo in Afti lamid ah tii Eritrea laga qaaday sannadkii 1993-kii laga qaado, islamarkaana ay Qarammada Midoobay damaanad qaado aftidaas.

Waxa uu sidoo kale Mr Tibor tilmaamay in Somaliland ay u qalanto ictiraaf calaami ah oo ay ku kasbanayso guulaha ay gaadhay iyo Qarannimadeeda shaqaynaysa muddada dheer, waxa uu soo jeediyey in dadka reer Somaliland loo ogolaado in ay go’aan qaataan.

Mr Tibor ayaa hore taageero weyn ugu muujiyey Somaliland, isaga oo doorashooyinkii Somaliland ka dhacay ka sameeyey qoraalo uu intooda badan ku baahiyey boggiisa Twitter-ka iyo warbaahinta caalamiga ahba.

 Tibor Nagy oo ah masuulkii ugu sareeyay ee Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald J.Ttump, uu u diro Afrika, sidoo kale ahaa Kalkaaliyaha Waaxda Arimaha Dibadda Maraykanka, ayaa lagu wadaa in mar labaad uu noqdo xubin sare oo ka mid ah xukuumadda Madaxweyne Joe Biden.

Soo jeedinta Tibor Nagy, ayaa timid kadib markii Senator lagu magacaabo Chris Smith oo laga soo doorto degmada 4aad ee gobolka New Jersey uu hambalyeeyay doorashooyinka Somaliland ka qabsoomay May 31,2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here