Tartankii Orodka 5-km oo Maanta Lagu soo Gabagabeeyay Gabiley + DAAWO SAWIRADDA

0
1367

Gabiley , (HargeisaPress) — Tartanka Orodka Gobolka gabiley oo Maanta la qabtay ayaa waxa Tartamayaashu ka koobnaayeeen in ka badan 80 qof Orodkan oo ahaa 5 Kilometer Tartamayaashan oo Laga Qaadanayo 10 Qof ee ugu Soo Horeeyey Tartankan Waxana Kaalinta Koowaad Galay Guuleed Wiil Dhalinyaro ah oo Ka mid ah Orodyahanada Gobolkan gabiley sidoo kale waxa Intaan la bilaabin Tartanka Goob Fagaare ah kula hadlay Isku duwaha Ciyaaraha Gobolka gabiley Siciid Saleebaan Kuna Dhiiri Galiyey Dhalinyartan in ay ilaaliyaan Baratakoolka Qaabka Orodka Laamidana aan laga Bixin Orod Yahanka In aanu Tuurin Ka kahoreeye.

DSCN4111

Sidoo kale waxa Munaasibadan Dhalinyarad Loo Qabtay ee ahayd Orodka Waxa Maalgalisay Dawlada Hoose Gobolka Gabiley ee uu Gadhwadeenka ka yahay Maxamed aamiin Cumar Cabdi , Waxa xafladan Goob joog u ahaa Badhasaabka Gobolka Gabiley Mustafe Shiine Mayarka Gobolka gabiley Maxamed aamin cumar Cabdi , Gudoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Somaliland Mustafe Cali Nuur, Xogyaha Guud ee Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Mustafe Cabdi Xadi, Taliyaha Qaybta Gabiley , Isuduwaha Wasaarada Ciyaaraha Gobolka gabiley Siciid Saleebaan , isuduwaha Wasaaraad Ciyaaraha Fudud oo ka socday Xukumada Dhexe , Sidoo kale Tobabarayaasha Orodyahanadan Ku Tartamayay.

 

DSCN4159

Orodyahandan oo Laga Qaadan Doono 10 Qof ee ugu Horeyey Si ay Ugu Qayb Qaataan Tartanka Gobolada Somaliland ee orodka oo Lagu Qaban Doono Gobolka Awdal ,Badhasaabka Gobolka gabiley Musaafe Abdi Isse Mustafe Shiine iyo Mayarka Gobolka gabiley Maxamed aamiin Cumar Cabdi oo iska daba maray faa’iida ay leedahay In dhalinyarada la dhiiri Galiyo Sidoo kale ay Garab Taagan Yihiin Wax Kasta oo Dhalinyarada Gobolka gabiley Laga Badbaadiyo Aafada Tahriibta iyo Mukhaadaraadka Tanina waxay u Tahay Wacyi Galin Baladhan .maaha tii ugu horaysay ee aan maalgalino Waxa la qabtay Tartankii kubada cagta oo ay maalgalisay Dawlada hoose gabiley sidoo kale Tartankii Kubada Kolayga oo iyna Dhamaaday.

 

DSCN4170

 

 

Sida Loogu Kala Guulaystay Tartanka

 

1: Guuled Cabdilahi ismacil   17: 25: 08

2: Badri Sucuudi   18:08:71

3: Cabdiraxaman Cali Cige.18:08:92.

4: Yaxye cabdisamad qalinle.18:16:22.

5: Amin Cise Jamac.18:20:18.

6: Abdiqadir.18:26:84.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here