Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland ayaa maanta magaaladda Hargaysa ka daah-furay tartanka horyaalka kooxaha Kubbadda gacanta ee caasimadda Hargaysa.
Tartankaasi ayaa la filayaa inuu mudadda lagu guddo jiro bisha Ramadaan ka socon doono garoonka Kubbadda kollayga Tima Cadde, ee magaaladda Hargaysa.
Iyadoo ay tartan ciyaareedkani soo qaban qaabisay wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland.
Waxaana tartankani Kubbadda kollayga oo ay ka qayb geli doonaan 8 kooxood, kuwaasoo lix kooxood oo ka mida ay ka socdaan wasaarrado iyo haayado dawladeed oo ay magacoodda ku ciyaari doonaan.
Sida uu sheegay agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland C/rashiid Caydiid, oo munaasibadii furitaanka hadal ka jeediyay.
Geesta kale waxaa isla madashaasi lagu daah-furay xeerka guud ee lagu maamulayo ciyaaraha Kubbadda kollayga ee Somaliland.
Kaasoo ah xeer loogu tallo galay in lagu maamul oo uu u dhexeeyo kooxaha iyo xidhiidhka ciyaaraha kubbadda kollayga.
Munaasibadii shaacinta tartankaasi waxaa ka soo qayb galay wasiirka ciyaaraha, agaasimaha waaxda ciyaaraha, agaasimaha waaxda ciyaaraha Kubbadda kollayga, xildhibaano iyo xubno ka tirsan bahda ciyaaraha Somaliland.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.