Safiirka Somaliland Ee UK Oo Qaabilay Weriye Mary Harper

0
829

Hargaysa (HP): Safiirka Somaliland u qaabilsan dawladda Ingiriiska Cabdi Cabdillahi Xirsi (Dayax-weerar), ayaa  xafiiskiisa ku qaabilay Tifatiraha arrimaha Afrika ee  BBC Mrs. Mary Harper.

Wakiilka iyo weriyaha ayaa isla soo qaaday arrimo la xidhiidha dhamaystirka diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ee qaadashada kaadhadhka iyo saamaynta aafada xanuunka COVID.

Sida lagu baahiyey warsidaha xafiiska Somaliland ee Ingiriiska & Barwaaqo-sooranka oo shalay soo baxay ayaa lagu sheegay in Qoraaga caanka ah iyo Tifaftiraha Afrika ee Wakaaladda Wararka BBC, Mary Harper, ayaa soo booqtay xafiiska Somaliland ee Ingiriiska & Barwaaqo-sooranka ee London.

Safiirka Cabdi Cabdillahi Xirsi iyo Mary Harper, waxay ka wada hadleen dhinacyo badan oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin gabagabada diiwangalinta cod bixiyaasha ee qaadashada kaadhadhka, diyaar-garowga doorashooyinka soo socda iyo saamaynta aafada Covid-19 ku yeelatay dhinacyada dhaqan-dhaqaale ee dadka reer Somaliland, gudaha iyo dibeddaba.

Warsidaha Xafiiska Somaliland ayaa sidoo kale lagu baahiyey warbix ku saabsan xidhiidhka caalamiga ee Somaliland iyo guulahii u dambeeyey ee laga gaadhay, iyo macluumaad la xidhiidha fursadaha maalgashiga Somaliland sida Xoolaha, Beeraha Kaluumaysiga, Tamarta, Shidaal, Macdanta iyo Dalxiiska.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY