Taliyeyaal Ciidan oo Ka Yimi Muqdisho oo Kusoo Biiray Dagaalka Laascaanood

0
2307

Laascaanood (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay sheegtay in fadhiisimada Ciidamada Qaranka Somaliland ee Galbeed magaalada Laascaanood ay soo weerareen kooxaha Nabad-diidka iyo Argagixisada ah ee ku sugan magaalada Laascaanood.

War-saxaafadeed ay soo saartay xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay ku sheegtay in Ciidamada Qaranka Somaliland oo ka duulaya in ay is difaacaan, waxaa ay dhirbaaxo kulul ku dhuftay kooxaha huwanta ah.

Waxaa ay Xukuumadda Somaliland War-saxaafadeedka ku sheegtay in Dagaalka ay ku soo biireen Taliyeyaal Ciidan oo ka yimi magaalada Muqdisho.

Xukuumadda, ayaa sheegtay in Ciidamada Qaranka Somaliland ay diyaar u yihiin in ay shacabkooda ka difaacaan kooxaha Argagixisada ah ee gabaadka ka dhiganaya dadka shacabka, kooxahan oo isaga kala yimi meelo kala duwan.

Waxay sheegtay inay Beesha Caalamka iyo wadamada jaarka ah u cadaynayso in kooxahan Argagixisada ah ee dagaal kula jira Somaliland ay khatar ku yihiin nabadgelyada iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika.

Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay ku baaqday in la iska kaashado kooxahan Argagixisada ah sidii looga sifayn lahaa magaalada Laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here