Taliye ku Xigeenka Ciidanka Booliska oo ka hadlay Maandooriyaha Xashiishadda oo Ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen

0
685

Hargeysa (HargeisaPress) -Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto C.raxmaan Liibaan Axmed Fooxle ayaa sheegay in Ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen Xashiishad la rabay in si tuugo ah lagu geliyo Jeelka Weyn ee Caasimadda hargaysa.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Boolisku waxa uu xusay in Xashiishadan oo la dhex geliyey Xidhmooyin qaad ah la rabay in laga tuuro dayrka Jeelka weyn ee Caasimadda hasa yeeshee waxaa falkaasi fashiliyey sida uu sheegay Taliye Xigeenku Ciidanka roondada ah ee Suga amniga,Waxayna Ciidanku gacanta ku soo dhigeen laba eedaysane kuwaas oo sida ugu dhakhsiyaha badan loo horkeeni doono Sharciga.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto C.raxmaan Liibaan Axmed Fooxle waxa uu intaas ku daray in Laba Saldhig oo Boolisku leeyahay ay ku guulaysteen inay soo qabtaan Maandooriyaha Xashiishada kuwaas oo la soo dhex geliyey raashinka loo keeno Maxaabiista ku jirta labadaas saldhig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here