Maxamed Bin Salmaan oo khadka telefoonka kula hadlay ra’iisul wasaare Abiy Axmed

0
572
Ra'iisul wasaare Abiy iyo Maxamed Bin Salmaan

Hargeysa (HargeisaPress) – Dhaxal sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa khadka telefoonka kula hadlay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, waxaa uu uga mahadceliyay kaalinta uu dalkiisa ka qaatay dib u heshiisiinta dhinacyada isku hayo dalka Suudaan, sida laga soo xigtay wakaaladda ee dowladda Sucuudiga.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa garwadeen ka ahaa dadaallada lagu heshiisiinayay mucaaradka iyo militariga Suudaan.

Abiy oo ku sugnaa goobtii ay heshiiska kama dambeysta ah lagula kala saxiixday, waxaa uu ugu baaqay shacabka Suudaan inay ka shaqeeyaan nabadda isla markaasna la xoojiyo dadaallada dimuqraadiyadda.

Golaha militariga Suudaan iyo mucaaradka ayaa Sabtidii kala saxiixday heshiis kama dambeys ah oo dalkaas looga dhisayo dowlad kumeel gaar ah.

BBC

LEAVE A REPLY