Taliyaha Laanta Socdaalka oo si adag u beeniyey inuu X. Cabdi Waraabe Geeriyooday.

0
1027

Hargeysa, (HargeisaPress) — Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf(Ina-cambaro), ayaa beeniyay guud ahaanba Warar been abuur ah oo lagu sheegay in uu Geeriyooday Xaaji Cabdikariim Xuseen(Cabd-Waraabe),waxaanu Taliyihu sheegay in warkaasi yahay war aan waxba ka jirin habayaraatee,oo lagu khalkhal galiyay Bulshada.

 

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cambaro oo Warbaahinta Qaar la hadlay  ayaa sheegay, in aaney warkaasi waxba ka jirin.

 

“Dad badan ayaa isoo weydiinaya ilaa hada laakiin waxaan saaka arooryadii hore ilaa xaley la xdhiidhay Axmed Xaaji Cabdi saakana wuu kaadi tagey laakiin maalintiisa ayuu hoyanayaa, dadkana yaan been loo sheegin, mar labaad Ayaan leeyahay Xaaji Cabdikariin Xuseen(Cabdi-Waraabe), wuu caafimaad qabaa maalintiisa ayuu hoyanayaa”Ayuu yidhi.

 

Xaaji Cabdikariim Xuseen ayaa dhawaan loo qaadey dalka Dibadiisa Xaalad Caafimaad awgeed iyadoo ay Caasimada Hargeysa guriga uu ka degan yahay ku booqdeen Madaxweyne Siilaanyo, ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici, Haldoor Somaliland iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro).

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here