HADII MADAXWAYNE SILAANYO NOQDAY HULAAGO, GAANDI LIBRARY NOQON MAAYO BAGDAAD LIBARARY

0
968
Gaandi Library  waxa laga iibiyay ganacsade ku iibin doona TIMIR & BISCUIT . Taariikhdu way soo noq-noqata. HULAAGO wuxu ahaa  Abaanduulahi watay ciidamo kasoo duulay  “Mongolia”  oo cagta mariyay  dunida inteeda badan.Waxa  loo yaqaanay  “ THE BARBARIANS ”. Sanadkii 1257, Hulaago wuxuu qabsaday Baqdaad oo ahayd caasimada khilafaadi islaamiga ahayd ee cabaasiyiinta “ Abbasid Caliphate” . Marku  gacanta ku dhigay Baqdaad, wuxuu amar ku bixiyay in la gubo  dhamaan Maktabadaha  “ libraries”  ku yaalla BAQDAAD, kutubtana  la raaciyo webiga “ Tigris “. Waxa la sheegay in  midabkii biyaha webiga TIGRIS   isu rogay madhow. ”  The Mongols swept into Bagdad city on 13th February 1257  and began a week of destruction. The Grand Library of Baghdad, containing countless precious historical documents and books on subjects ranging from medicine to astronomy, was destroyed. Survivors said that the waters of the Tigris ran black with ink from the enormous quantity of books flung into the river. .// http://en.wikipedia.org/wiki/Hulagu_Khan//
Halkaa waxa ku shuf-beelay qayb wayn oo ka mid ahayd  kaydkii xadaarada iyo aqoonta Islaamka  . Waxa   bilaabmay casragii la odhan jiray  “ Dark Ages oo dunida dhawr qarni  geliyay mugdi iyo jahli. Waxa nasiib darro ah  in Madaxwayne  Siilaanyo, oo kasoo qalinjebayay Manchester University, oo maanta ku dhaqaaqo talaaboyinkii  “ HULAAGO ku dhaqaaqay 1257. Waxaynu aragnaa  hoygii hablaha lagu baraayay farsamooyin kala duwan, kumanaan ardayNA  wax ku akhrisanaayeen, in laga eebiyay ganacsade ka dhigi doona Bakhaar  . Bulshada Reer Hargeisa ee jecel ilbaxnimadda , aqoonta ,fanka,  iyo Suugaanta, waxa  inay mudaaharaad selmi ah  ku cabiraan dareenkooda. Waxa loo adeegsan doona RRU, SPU, OPU , laakinse waa inay   difaacaan hoyga aqoonta “ Gaandi Library”.  Haddii  Madaxwayne  Siilaanyo noqday Hulaago,Hargeisa    noqon mayso   Baqdaad.
Drs Hoodo Yusuf, London, UK.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here