Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo Xilkii Ka Qaaday Taliyihii Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir

0
845

Muqdisho (Hargeisa Press) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John).

Waxaa xilka Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir loo magaacabay Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole) oo loo dallacsiiyay Derejada Gaashaanle Sare.

Farxaan Qaroole waxa uu ahaa taliyaha booliiska Haramcad.

Xil ka qaadista taliye Saaqaq John ayaa ku timid kadib markii uu awood ciidan ku joojiyay kulankii uu maanta yeelan lahaa barlamaanka Soomaaliya oo ka dooddi lahaa mooshin ku saabsan doorashada.

Saadaq John wuxuu sheegay in ay barlamaanka ka hor istaageen in ay kulan yeeshaan, balse, saraakiil ka tirsan ciiddanka booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in barlamaanku shaqadiisu caadi u wato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here