Taliyaha Ciidamada Booliska oo fariin culus u diray xisbiyada iyo shacabka

0
1519

Hargeysa (Hargeisa Press)- Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa waxaa uu ka hadlay ololaha doorashooyinka ee maanta ka bilaabmay guud ahaan dalka Somaliland.

Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlay taliska guud ee ciidanka, ayaa fariin muhiim ah u diray shacabka.

Waxaa uu sidoo kale ku dhiiri geliyay shacabka inay ka feejig naadaan waxyaabaha carqaladeyn kara amniga iyo xasiloonida muddada ay socdaan ololaha doorashadu.

Taliyaha, ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda nabadda iyo amniga inta ololaha doorashada lagu jiro.

Xisbiyada iyo ururrada siyaasadda dalka ayuu baaq u diray, isagoona ugu baaqay in ay wacyi-geliyaan shacabka Somaliland.

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, ayaa caddeeyay in ay ciidamada boolisku dhex ka yihiin arrimaha ololaha iyo doorashooyinka, maadaama buu yidhi ay yihiin astaantii qaranku ku taagnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here