Taliyaha Booliska Somaliland Oo Ka War Bixiyey Hanaanka Looga Shaqeeyo Amaanka Madaarka Hargaysa + Muuqaal

0
818

HARGEISA, (HargeisaPress) — Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guud C/laahi Fadal Iimaan Oo Ka War Bixiyey Hanaanka Looga Shaqeeyo Amaanka Madaarka Caasimada, Taliye Fadal  ayaa  fariimo xaga Amniga ah faray Shaqaalaha, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:-

“ Waad La Socotaan Caalamka Waxa Ka Socda, Had Iyo Jeer Ilaahbaynu Kaashanaa, Waxa Loo Baahanyahay Qofkasta Oo Ka Mid Ah Shaqaale Weynaha Madaarka, Ha Ahaado Shirikadaha Diyaaradaha, Ama Ha Ahaado NASHA, Ama Ha Ahaado Wasaaradda Duuliste, Ama Ha Ahaado Kuwa Madaarkee, Laanta Socdaalka, Hay’adda Sirdoonka, Booliiska, In Ay Hal Unug Ahaadaan, Ayaa Loo Baahan Yahay, Waxa Weeye Somalidu Waxay Ku Maahmaahdaa( Far Qudhi Fool Ma Dhaqdo) Waxa Laynooga Baahan Yahay Qof Waliba In Uu Ka Dareen Celiyo, Cid Waloo Madaarka Soo Galaysa.” Ayuu yidhi Sareeye Guud C/laahi Fadal Iimaan.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here