Taliyaha Booliska Oo Tababar U Furay Saraakiil

0
474

Mandheera (HP): Taliyaha ciidamadda booliska Somaliland ayaa maanta tababar uga furay ciidamo kala duwan kuliyadda tababarka ciidamadda ee Mandheera.

Tababarkaasi oo. ah layli sarkaal oo socon doona muddo lix bilood waxaa lagu tababari doonaa 150 sarkaal oo isugu jira booliska, laanta socdaalka, iyo ciidamadda Badda.

Taliyaha boolisks Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi (dabagalle), oo saraakiisha tababarka u furay ayaa hadallo dar daaran ah u jeediyay saraakiisha tababarka uu u furay.

Waxaanu sheegay in ay nasiib u yeesheen in ay noqdeen dufcadii u horaysay ee boolis ah ee ka soo baxa kuliyadda tababarka ee Mandheera.

Taliye Dabagalle, ayaa ku Carrabka ku adkeeyay in ninka xeerka kuliyadda jebiya inta uu tababarku socdo in si  toos ah looga eryayo kuliyadda.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here