Dariiqa ugu dhaw ee ay Jamhuuriyada Somaliland ku heli karto Aqoonsi si bilaa turxaan ah waxa ugu horeysa in dawlada federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay yagu dhexdooda is fahmaan kana wada xaajoodaan Is-af-garasho, Hadaba wada hadaladan laftarkoodu waxay leeyihiin taariikh weyn oo mugeeda iyo miisaankeeda leh, Mana aha wax imika bilaabmaya balse waa talo dibloomaasiyiin Afrikaan iyo kuwa qaaradaha kale ee aduunka isugu jira, Yada oo talada wada hadalka labadan dal laga bixiyey madalo ay Somaliland ku gar-naqsaneysay kuna raad-goobaysay Madax-banaanideeda si heer caalamiya ah,
Aaan guda-galo halka manta ujeedkaygu ahaa oo ku saleysan wada hadalada Soomaaliya Iyo Somaliland yaa bilaabey sideese lagu bilaabey, Ma faa,iido ayey u leeyihiin Somaliland dhinaca majaraha ictiraaf raadinta, Runtii intaa aan xuseyba waxa koobsan doonta qormada hadii Eebe idmana aan tafaasiil cad ka bixin doonaa, Sanadii 1994kii waxa Madaxweynihii Somaliland ee xiligaasi Mudane: Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu casuumad ka leh Madaxweynihii waqtigaa ee dalka Kenya Mudane: Daniel Arap Mio, Kaasi oo Cigaal u soo direy dayuurad u khaas ah oo u gaysa Madaxweyne Mio, Safarkan waxa ku wehelinayey Madaxweyne Cigaal xubno golihiisa wasiirada ahaa sida, Deeqa Col-u-joog Wasiiradii Madaxtooyada, Cabdilaahi Maxamed Ducaale Wasiirkii Warfaafinta Iyo Yuusuf Quraab oo ahaa wasiirkii hawlaha guud ee Somaliland.
kan Madaxweyne Cigaal iyo dhigiisa Kenya Mr.Mio ay ku kulmeen waxa diyaariyey dibloomaasiyiin u dhashey dalkan Somaliland kuwaasoo Madaxweynahana ku taliyey in mudaakirada Qadiyada Somaliland ka dhaadhicinteeda aduunka laga bilaabo wadamada Dariska ee Bariga Afrika, Waxay balaysin u noqotey talaabadaasina gar-naqsiga Somaliland ay la hor-tagtey Beesha-caalamka iyo meel kasta oo ay wax kaga xidhan yihiin waa arinta Ictiraaf-raadinta,e, Waxa xusid mudan in labada Madaxweyne si wanaagsan oo qaab dibloomaasiyadeed ah ay isu-waajaheen yagoo waliba kulanka dhexdiisa marerka qaar isu kaliyeystay, Madaxweyne Cigaal ayaa ka codsadey saaxiibkii ahna dhigiisa mudane: Mio inuu ugu hor ictiraafo Somaliland, Balse mio ayaa shuruud uga dhigay in hadii Dhigiisa Uganda mudane: Yoweri Moseveni hadii uu yeelo in isna yeelo doono maxaa yeelay Kenya iyo Soomaaliya waxa ka dhexeeyey xurguf yar oo aan badnayn.
Isla kulankii ayuu qoondeeyey Mudane: mio inuu la xidhiidhiyo Madaxweyne Cigaal si uu isna war-bixin u siiyo, Nasiib-wanaag Madaxweynaha dalka Uganda mr. Yoweri Museveni waa uu aqbaley kulankii Cigaal isna sidii Mr. Mio oo kale ayuu Cigaal iyo wafdigii uu hogaaminayey u soo direy dayuurad khaas ah taasi oo qaadey Madaxweyne Cigaal kana dajisey gudaha dalka Uganda, Halkaasina ay isu wareysteen Madaxweyneyaashii Somaliland iyo Uganda waa Cigaal iyo dhigiisii Yoweri Moseveni, Cigaal ayaa museveni u sheegay inay u dulman yihiin umad aaney waxba ka dhaxeyn oo ay bari hore kala anba-baxeen, Oo yagii is maamuli kari waayey , Kuna guul-dareystay iney xasiliyaan dhibaatooyinkii soo riiqey, Ka dib markuu dhageystay war-bixintii Cigaal Madaxweynihii dalka Uganda waxa uu ugu jawaabey waad dulman tihiin mana aha in meeshaa la idinla sugo waayo idinku waad isu tashateen.
Yoweri Moseveni Madaxweynaha dalka Uganda isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi laakiin Cigaalow waa lagama maarmaan inaad wada hadashaan idinku Soomaaliya iyo Somaliland ahaan, Balse waxa waqti idinku qaadaneysa inta aad sugaysaan mudada ay ka baxayaan waxan la yidhaa ku-meel-gaadhka oo ah dawlad aan lahayn awood wada xaajood ama xasaanad qaran, Taasi oo u saamaxeysa waxyaabo badan sida , Saxeexid heshiis, Wada xaajood qaramo kale, Ka qayb-galid golaha sare ee jimciyada quruumaha ka dhaxeysa, Sidaa darted waxa uu Yoweri Moseveni ku taliyey in wada hadalkani muhiim yahay laakiin loo baahan yahay in Soomaaliya ay ka baxdo xiligan ku-meel-gaadhnimada, Waayo xiligan ka bixida ku-meel-gaadhku waxay u saamaxeysaa Soomaaliya dawladnimo dhameystiran.
Sanadkaa 1994kii Madaxweynayaasha dalelka Kenya iyo Uganda labadooduba waxay ku taliyeen in horta wada hadal lala yeesho Soomaaliya , Laakiin waa xiliga ay noqoto dawlad dhameystiran oo laysu haleyn karo sida ay haatan tahay bilaa ku-meel-gaadhnimo, Dhanka kale waxa jirta yadna Sanadkii 2006kii waxa magaalo-madaxda jamhuuriyada Somaliland ee hargeisa soo booqatey U qaabilsanihii hore ee Xasiifka Afrika Wasaarada Arimaha Dibbada Mareykanka Marwo: Jendayi Frazer yadoo indha-indhaysay xaalada dalka iyo dadkuba ay taagan ka dib waxay u Sii dhaaftey Wadanka Ethiopia halkaasi oo ay kula kulantay hogaamiyihii hore ee Males Zanawi, yagoo ka wada Hadley Amuuraha Somaliland, Yadoo kula talisey in African Unionka arintaa laga socodsiiyo oo la hor keeno xarunta Ururka Midawga Afrika.
Guntiyo gaba-gabadii waxaan ku soo af-meeri Sanadii 2008kii ayaa ay dib ugu soo noqotey marwadii Mareykanka xafiiska afkira uga masuulka aheyd Marwo: Jendayi Frizera, Waxaaney mar labaad kula talisey in amuurtaasi u taalo Midawga afrika waa qadiyada Somalilandne, Males Zanawi ayaa midawga afrika ku casuumey Wasiirkii Wasaarada Arimaha Dibbada Somaliland oo ahaa Mudane: C/laahi Maxamed Ducaale oo ka jeediyey qudbad gudaha xarunta (AUda), Aakhirkiina waxa loogu taliyey iney yagu wada hadlaan Somaliland ahaan iyo Soomaaliya waxaanay cuskadeen idinka ayey wax idinka go,aan sidaa awgeed waa inaad wada xaajootaan, Oo aad isa soo hor-fadhiisataan, Taariikhdaa weyn ayuu leeyahay Wada hadalkani waana martabad ku culus qodabka ictiraaf-raadinta jamhuuriyada Somaliland.
Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).
Diplomatic Annalism.
Gabiley/Somaliland.