Taariikhda Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi “Ciro” Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyada Somaliland

0
1316

Hargeysa– Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi {Ciro} madaxweynaha cusub ee jamhuuriyada somaliland ahaana murashaxa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani wuxuu ku dhashay magaalada hargeysa 1955 . wuxuu ii sheegay mar hore oo taariikhdiisa aan ka qorayay inuu markii waxbarashadiisii hoose iyo dhexe

uu ku soo dhamaystay Burco , berbera , iyo hargeysa , uu u wareegay dugsiga sare ee caanka ah ee magaalada sheekh oo uu dhamaystay 1977 .

Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi mudadii u dhaxaysay 1978 ilaa 1981 wuxuu ka soo shaqeeyay hay’ad la odhan jiray horumarinta danwadaagaha xarunteedii magaalada muqdisho .

1981 ilaa may 1988 wuxuu ahaa dibloomaasi xaruntii wasaaradda arimaha dibedda ee somaliya , gaar ahaan waaxda qaarada Aasiya . Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi horaantii bishii May 1988 ilaa iyo 1996 wuxuu ahaa ku-xigeenka danjiraha iyo sii hayaha safaaradii somaliya ee dalka Ruusha ee Moosko .

Wuxuu markaa ka dib u guuray Cabdiraxmaan Cirro dalka Finlad oo uu joogay ilaa iyo 1999 oo uu ku soo labtay Somaliland .

Sanadii 2000 Cabdiraxman Cirro wuxuu ka mid noqday Aasaasayaashii xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo uu ku xigeenka xoghayaha guud ka soo noqday .

Doorashadii baarllamaanka Somaliland ee September 2005 ayaa uu Cabdiraxmaan Cirro ka mid noqday xubnihii laga soo doortay gobolka Saaxil ee Berbera . kadibna waxaa baarllamaanku u doorteen Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi gudoomiyaha baarllamaanka oo uu hayay 12 sano ilaa 2-dii bishii august2017 oo uu iska casilay jagadaasi .

Sanadii 2011 Cabdiraxman Cirro wuxuu aasaasay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani kadib markii ay isku dhaceen oo maxkamad isla galeen gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID . Cabdiraxman ciro wuxuu wuxuu ahaa murashaxii madaxweynaha ee xisbiga Waddani ee doorashadii somaliland ee 13November2017 , haseyeeshee kuma guuleysan oo waxaa madaxweyne loo doortay murashaxii xisbiga Kulmiye Muse Biixi Cabdi Cabdi .

Doorashadii Madaxtooyada jamhuuriyada somaliland ee dhowaan 13November2024 ayaa uu ku guuleystay Cabdiraxmaan Ciro inuu noqdo madaxweynaha somaliland shanta sano ee soo cocda , isagoo ka guuleystay murashaxii xisbiga talada hayay ee kulmiye Madaxweyne Muse Biixi Cabdi iyo murashaxii xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe .

Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi wuxuu ku hadlaa luqadaha English , Carabi , Russian iyo Finish . wuxuu ku haystaa shahaadada masterka ee MBA maamulka ee kulliyadii SIDAM , iyo diplom xallinta khilaafaadka ee jaamicadda hargeysa . Madaxweynaha cusub Cabdiraxman Ciro oo aannu ka soo wada shaqeynay sanadihii sideetanaadkii xaruntii wasaaradii arimaha dibeda ee somaliya isla markaana labaatankii sano ee aan BBC weriyaha uga ahaa somaliland wareysiyo aan in badan ka qaaday waa dibloomaasi qotodheer oo aqoonyahan ah , naxariis badan oo dulqaad badan .

Madaxweyne Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi {Ciro} wuxuu leeyahay Xaas iyo shan caruur ah oo wiilal wada ah .

Axmed Saciid Cige

HARGEYSA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here