Suudaan oo Ku Gacan Saydhay Codsi Ku Saabsan Wabiga Nile oo Uga Yimid Itoobiya

0
1385

Khaartuum (Hargeisa Press) – Ra’iisal wasaaraha dalka Suudaan ayaa ku gacan saydhay soo jeedin uga timid waddanka Itoobiya oo ah inuu la saxeexdo heshiis hordhac ah oo ku saabsan biya xidheenka muranka badan dhaliyay oo ay xukuumadda Adis-ababa dooneyso in ay ka sameyso wabiga Nile .

Abdalle Hamdok ayaa sheegay sababo farsamo iyo mid sharciba in dalkiisa aanu hadda ku dhaqaaqi Karin tallaabadaasi ah codsiga kaga yimid Itoobiya

Waddamada Masar iyo Suudaan ayaa waxay walaac xoog leh ka qabaan biya xidheenka laga sameynayo galbeedka waddanka Itoobiya, kaas oo suuragal ka dhigi kara in ay  hoos u dhacaan biyaha wabiga Nile oo uu dhaqaalahoodu ku tiirsanyahay.

Itoobiya waxay naawileysaa in hadda ay dib u billowdo biyo xidheenkaasi, iyadoo uu qorshaheedu yahay in bisha July ay soo saarto quwadda tamarta korontada oo ay damacsantahay in ay uga faa’ideysato.

Dhowr kulan oo seddex geesood ah oo ay madaxda waddamadaasi yeesheen ayeysan kasoo bixin wax midha dhal ah. Laakiin Itoobiya waxay hadda ku adkeysaneysaa in ay dib u billaabeyso howl-galka biyo xidheenkaasi, xitaa haddii aan la gaadhin wax heshiis ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here