Suldaanka Guud ee Subeer Awal oo go’aamiyey in Maxamed Biixi Yoonis yahay Musharaxa Kulmiye

0
838

Hargeysa, (HargeisaPress) —Suldaanka guud ee Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo si diiran madaarka Hargeysa ugu soo dhaweeyey Musharaxa Madaxtinimo ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Biixi Yoonis ayaa taageeray musharaxnimadiisa waxaanu sheegay Suldaan ahaan in uu ka noqday go’aan uu hore u gaadhay oo uu ku tilmaamay Sinbiriraxasho ka dhacday imikana uu go’aamiyey in Maxamed Biixi noqdo musharaxa Kulmiye ee u qalma.

Suldaan xasan isagoo ka hadlay xafladdii soo dhaweynta Musharaxnimada Maxamed Biixi Yoonis waxa uu yidhi “Farxad iyo sharaf weyn ayey ii tahay oo saaka Maskax furan ayaan ku soo toosay inaan ku soo dhaweeyo Wasiirka arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ahna murashaxa Madaxweynanimo ee Xisbiga KULMIYE.

 

Maanta meeshan waxa socda qarankii Somaliland oodhan min bari ilaa Galbeed” “Haddii aan ahay Suldaanka guud ee Subeer-awal Beri sii horeysay oo wakhti fara baddani ka soo wareegay waxa dhacay go’aan sinbiririxasho ah oo Afkayga ka soo baxay ka bacdi dib u eegis ayaan ku sameynay, waad la socotaan marka ay Maxkamada Sare wax ka khaldamaan dib-u-eegis Guddoomiyaha Maxkamada Sarre ayuunbaa Sameeya, hadaan dib-u-eegay markaan la tashaday qurba-jooga iyo qolqol-jooga, markaan arkay dareen-celintii igaga soo noqotay (Feed Back) waxaan laalay go’aanka hore ee sinbiririxashada ahaa,”.Ayuu yidhi Xasan Suldaan

 

“Golaha dhexe  ayay ku tartamayaan nimanka murashaxnimada Maxamed Biixi Yoonis waa nin aad u qalbi fiican oo aqoon yahana, Xitaa markii Nabarka gardaro igu dhacay xitaa il qaloocda igumuu soo eegin.qalbi furnaan iyo maskax furnaan ayuu igu imanayay. Waxaan ku talinayaa in Golaha dhexe Xisbiga KULMIYE si cadaalad ah loogu tartamo, oo aan marnaba la keenin xaafadaha.Waxaad halkan maanta ku arkaysaan labadayadii Suldaan ee ugu waaweyna Somaliland (Suldaan Xasan iyo Sudlaan Maxamed Cabdiqaadir) labadayaduba waxaanu gacmaha hayna Murashaxa  Maxamed Biixi  oo Sawir kaleba uma baahan waanan u duceynayaa Maxamed Biixi Yoonis”

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here