Suldaanka Guud Ee Akisho Oo Baaq Ka Soo Saaray Abaaraha Dalka Ka Jira

0
1350
Suldaan Abshir Xasan Cali

Hargeysa,(HargeisaPress) —Suldaanka Guud Ee Akisho ayaa maanta soo saaray baaq Abaaraha Dalka ka jira soo saray, Suldaan Abshir Xasan Cali Iyo Xildhibaan Sh Cumar Sh Ahmed Furre Wasiir Ku Xigeenka Mahamed Sh Cumar Sh Xasan  Oday Shide Cali Barre Ganacsade Maxamed Libaax Ganacsade Mukhtaar Cabdi Shuuro Aqoonyahan Ahmedyasin Sh Cumar Aqoonyahan C/Raxmaan Muuse  waxay dhamaan baaq u dirayaan iyagoo si qiiro leh uga qayb qaadanaya dhibaatada baahsan ee abaartu gaadhsiisay dhamaan gobolada somaliland gaar ahaan kuwa bariga in ilaahay naxariistiisa ku eego adoomihiisana isagaa kafayn karee nimcadiisa u shubo.

Suldaanka guud ee akisho suldaan abshir wuxuu hore ugu deeqay deeqo lacageed iyo kuwa raashinba dadka abaartu soo gaadhay waxaanu sheegay in ay ka qayb qaadan doonaan imika iyo tu danbana in ummada loo kaco oo hadii ay inagu kalifto cunnada ka soono wixii ayny haynana dadkaas gaadhsiino ilaahayna naxariistiisa inagu soo daayo .

Odayaasha iyo xildhibaanada wasiirada ee  deegaanka gobolka gabilay waxay soo jeedinayaan in aan sidan lagu sii daawan ee doorka caawimada la xoojiyo la iskuna naxariisto.

Suldaan Suldaan Abshir Xasan Cali mar uu fariin u diraayey Bulshada ayaa yidhi “Waa inaynu ILLAAHAY barina, ALLE bari ah inuu abaarta la ALLE inaga kaxeeyo oo uu Raxmadiisa ina siiyo waa in la iskugu soo baxa”.

Aqoonyahan C/raxmaan muuse cali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here