Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo Shahaado Sharaf Ku Maamuusay Muwaadin Laba Iskuul ka Dhisay Gobolka Xaysimo + SAWIRRO

0
1015
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo Shahaado Sharaf ku maamuusay Muwaadin Cabdixakiin Axmed Xirsi

Hargeysa,(HargeisaPress) —Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Mudane Cabdllaahi Ibraahin Habane ayaa Shahaado Sharaf ku maamuusay Muwaadin Cabdixakiin Axmed Xirsi oo iskuul dugsi sare ah ka hirgeliyay degmada Carroolay ee gobolka Xaysimo, muwaadinkaasi oo jeebkiisa ka bixiyay dhamaan dhaqaalihii lagu dhisay dugsigaasi. waxaana loogu magac daray Xawte Secondary School.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Mudane Cabdllaahi Ibraahin Habane, ayaa hadal ka jeediyay munaasibaddii shahaadada lagu guddoonsiinayay muwaadinkankan, waxaanu wasiirku sheegay in Cabdixakiin Axmed Xirsi uu yahay muwaadin ku dayasho mudan isla markaana uu u qalmo in lagu maamuuso munaasibadan oo kale iyo mid ka qaalisan ba.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Cabdixakiin Axmed Xirsi, waa muwaadin reer Somaliland ah, wakhtigii horena waxa uu ahaan jiray baankar, haddana waa nin iskii isaga shaqaysta, waxa uu iskuul dugsi sare ah ka hirgeliyay degmada Carrooley ee gobolka Xaysimo, sidoo kale waxa uu dugsi hoose dhexe ka dhagax dhigay isla deegaankaas, kaas oo hadda la bilaabay dhismihiisa. Markaa saaka waxaanu munaasibadan u qabanay in aanu abaal marin guddoonsiino muwaadin Cabdixakiin Axmed Xirsi, isagauna wuu naga aqbalay waanu mahad sanyahay.’

Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE Xuseen Aadan Cadde ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaanu amaan u soo jeediyay muwaadin Cabdixakiin Axmed Xirsi, waxaanu yidhi “Aad baan ugu mahad naqayaa muwaadin Cabdixakiin Axmed Xirsi, waxaanan leeyahay waxqabadka muwaadinkan ha lagu daydo, marka labaad waxaan bogaadinayaa wasiirka waxbarashada iyo wasaaraddiisa oo gartay in ay gutaan waajibaadkooda isla markaana ay dhiiri geliyaan muwaadiniinta wax qabtay.”

Muwaadin Cabdixakiin Axmed Xirsi oo iskuul dugsi sare ah ka hirgeliyay degmada Carroolay ee gobolka Xaysimo

Muwaadin Cabdixakiin Axmed Xirsi ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay, waxaanu u mahad naqay wasiirka waxbarashada iyo guud ahaan wasaaradda waxbarashada, waxaanu sheegay in uu sii wadi doono dedaaladiisa, waxaanu yidhi “Waxaa sharaf wayn ii ah oo dhiiri gelin wayn ii ah sida aanan filayn ee la ii soo dhaweeyay taariikhdaydana baal dahab ah ayay ka geli doontaa, waxaanay ii suuro gelinaysaa in aan sii laban laabo dedaalkayga iyo wax ka qabashada arrimaha horumarka.”

Muwaadin Cabdixakiin Axmed Xirsi, waxa kale oo uu intaasi ku daray “Sida aynu la socono tacliintu waa muftaaxa nolosha waanay adag tahay in uu qofku horumar gaadho haddii aanu tacliin lahayn, deegaanadeenii hadda abaaro ayaa ka dhacay illaahay roob khayr qaba ha inoo keeno, runtii sharaf wayn bay ii tahay, aad iyo aad baan idiinku mahad celinayaa, dedaalkan aanu wadnana in aanu ka sii kordhino waa waajib kayaga.”

Guddoomiyaha gobolka Xaysimo Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu amaan iyo mahad naq u jeediyay muwaadin Cabdixakiin Axmed Xirsi, oo uu ku tilmaamay muwaadin kaalin wayn ka geystay waxbarashada iyo horumarka gobolka, waxa kale oo uu ka waramay baaxadda uu leeyahay gobolku, iyo baahida waxbarasho ee taala, waxaanu wasaaradda waxbarashada ugu baaqay in ay halkaasi ka sii wadaan dedaalada lagu horumarinyo waxbarashada gobolka.

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho iyo xildhibaan Saleebaan Cali Kooro oo ka tirsan golayaasha baarlamaanka ayaa iyaguna halkaasi ka hadlay, waxaanay ugu baaqeen bahda qurbajooga ee ka soo jeedaa degaanadaasi in ay lacagaha ay soo dirayaan ay geliyaan oo ay wax kaga qabtaan arrimaha bulshada, sida caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada, waxaanay u mahad naqeen muwaadin Cabdixakiin Axmed Xirsi.

Muwaadin Cabdixakiin Axmed Xirsi ka sokow hirgelinta iyo dhismaha dugsigaasi sare ee magaalada Carroolay, sidoo kale waxa uu dhagax dhigay dhismaha dugsi hoose dhexe oo ay degmadu yeelan doonto, kaas oo laga hirgelinayo magaalada Dhubuq-dhubuq ee degmada Carroolay, kaas oo dhismihiisa la bilaabay hadda oo gacanta lagu hayo.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here