Hargeysa, (HargeisaPress) โ Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub oo ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo xabsiga u taxaabtay 17/8/2015 ayaan ilaa hadda la cadayn sababta uu u xidhan yahay ย ka dib markii ay ciddi soo ashkataysay ka baaqatay inay maxkamadda ka soo xaadirto.
Eheladdaย Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub ayaa walaac ka muujiyey gabi ahaanba qaabka loola dhaqmay Muwaadinkan, kuna tilmaamay xad-gudub intiisa leโeg oo aannu muteysan, waji-gabax iyo ceeb-na ku ah Shuruucda iyo milgaha dawladdnimo ee dalka ka dhisan.โAnnagu mar walba waxaanu doonaynaa in hadii dambilagu haysto laย xuku, hadii aan dambi lagu hayaa jirinna xoriyadiisa loo soo celiyoโayuu u sheegayย HargeisaPress.comย mid ka midaย Eheladda Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub.
Qoyska Suldaankaย ayaa dalbanaya in ย xorriyadiisa loo soo celiyo mar haddii aanu jirin dambi uu galay oo ay dawladdu u haysato.
Mudada uu Suldanku hadda xidhanyahay ayaa in badan dhaaftay waqtigii uu sharcigu ogolaanayey in maxbuuska maxkamad laโaan jeelka lagu hayn karo waliba iyadoo waliba xadhigiisa markiisii horeba loo soo maray wado sharciga baal marsan.
HargeisaPress News Desk โ Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

















