Khartoum (Hargeisa Press) — dowladda Sudan ayaa xoojin milatari u dirtay xuduudda Itoobiya, waxaa sidaas sheegtay warbaahinta dowladda, maalmo kadib markii ciidamada ay halkaas kusoo weerareen ciidamo Itoobiya ah.
Askarta ayaa waxaa lagu daadgureeyey xuduudda bari ee magaalada Al-Fashaqa, halkaasi oo ah goobta ay isku dhacyada ka dhaceen, islamarkaana ah dhul ay sheegato Sudan balse ay haystaan beeraley Ethiopian ah.
Goobtan ayaa sidoo kale xuduud la leh gobolka Tigray oo dhowaan ay ka dhaceen dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowladda Ethiopia iyo kooxda TPLF.
“Ciidamada Sudan waxay kusii siqayaan jiidda hore ee Al-Fashaqa si ay dib ugu qabsadaan dhulka la xaday, islamarkaana fadhiisimo uga dhigtaan khadadka caalamiga ah,” waxaa sidaas tidhi wakaaladda wararka Sudan ee SUNA.
Ciidamada Sudan ayaa sheegay in askartoodu ay habeenkii Salaasadii “soo weerareen ciidamada iyo maleeshiyo Ethiopian ah oo ku sugan dhulka Sudan.”
Warbaahinta Sudan ayaa sheegay in afar askari lagu dilay islamarkaana 27 kale lagu dhaawacay weerarka, inkasta oo ciidamada ayna xaqiijin warbixinadan.
Ra’iisal Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok, oo toddobaadkii tegay booqday Addis Ababa, ayaa dhiggiisa Ethiopia Abiy Ahmed kala hadlay calaamadeynta xuduudda labada waddan.
Addis Ababa ayaa isku dayday inay yadheyso ahmiyadda isku dhacan, waxayna sheegtay in dhacdadan ayna helis ku aheyn xidhiidhka labada dal.
AFP