Soomaaliya: Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Kormeer Ku Tegay Degmadda Balcad

0
394

Balcad (HP): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyo masuuliyiin kale ayaa maanta kormeer ku tegay degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Safarkaasi waxaa raysalw asaaraha ku wehelinayay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa booqasho uu ugu kuur-galayey xaaladda nololeed ku tagay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay masuuliyiinta deegaanka, waxgaradka iyo qeybaha bulshada oo la wadaagay baahiyaha nololeed ee ka jira deegaankaasi.

Qorsheyaasha horumarineed ee ka socda deegaanka iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo isku xirnaanta dowladda iyo shacabka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay mashaariic horumarineed oo dowladdu ay ka waddo Balcad iyo guud ahaan Gobolka, kuwaas oo ay ka mid tahay waddada gabo-gabada mareysa ee isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho.

Injineerrada iyo howlwadeennada ka socda dalka Turkiga ee gacanta ku haya dhismaha qaar ka mid ah mashaariicdaas ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay warbixin dhammeystiran oo ku saabsan, taas oo rajo gelinaysa koboca nolasha iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey walaalaha Turkiga ee sida nafhurnimada leh ugu howlgalay hirgelinta iyo dhismaha mashaariicdan, waxa uuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay u diyaarsan yihiin sidii ay dalkooda uga xoreyn lahaayeen argagixisada hortaagan horumarkiisa.

Sidoo kale ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday cusbitaalka guud ee Balcad iyo qeybo ka mid ah magaalada, sida buundada Iyo suuqa degmada Balcad.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here