Soomaaliya: Qofkii labaad oo Coronavirus u geeriyooday

0
992

Muqdisho (Hargeisa Press) – Wasiiru dowlihii Wasaaradda cadaaladda Maamulka Hirshabeelle Xildhibaan Khaliif Muumin ayaa maanta xanuunka Coronavirus ugu geeriyooday magaalada Muqdisho.

Dhimashadiisa ayaa waxaa xaqiijiyay Agaasimaha guud ee madaxtooyada Hirshabeelle Amb:- Cabdikhaadir Cabdulle Xooshow.

Marxuumka ayaa kamid ahaa laba bukaan oo ay wasaaradda caafimaadku sheegtay inay xaaladooda aad u liidato.

Dhowr maalin kahor ayaa la dhigay Cisbitaalka, isagoo kamid ahaa 9 qof oo cudurka laga helay. Waxaase isagu cudurkaan uu  ku haleelay magaalada Jowhar.

Waa qofkii ugu horeeyay oo masuul maamul ah oo cudurka Coronavirus ugu geeriyooday Soomaaliya. Sidoo kale waa bukaanki labaad oo cudurka u dhinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here