Muqdisho (Hargeisa Press) – Soomaaliya, ayaa sheegtay in Ciidamada Amniga ay soo xidheen Sheekh Mustafe Cali Caanood oo sida ay sheegtay faafinayey Fikirka Xagjirnimada.
Bayaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, ayaa lagu yidhi “ Iyada oo laga duulayo go’aanka dowladda ee la xidhiidha cidhibtirka fikirka marin habaabinta ah ee kooxaha Khawaarijta ah ayaa Ciidamada Amnigu waxa ay xalay oo ku beegnayd 13-11-2022 soo xidheen Mustafe Cali Caanood oo ah shakhsi caadeystey fidinta fikirka Khawaarijta.”
Qoraalka, ayaa intaas ku daray in howlgalka lagu qabtay Mustafe uu ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana la qabtay xilli “uu isku dayay in uu ka baxsado” Ciidamada Amniga.
“Mustafe Caanood ayaa ah shakhsi caadaystay faafinta fikirka Khawaarijta, waxaana fariimihiisu ahaayeen kuwa loogu talo-galay in lagu marin habaabiyo dhalinyarada Soomaaliyeed,” ayuu qoraalka intaas ku daray.
Soomaaliya, ayaa sheegtay in Mustafe la horgeyn doono sharciga si loogu soo oogo dembiyada lagu eedeynayo.
Weli wax jawaab ah lagama heli karo Sheekh Mustafe, ehelkiisa ama qareeno difaacaya oo ku saabsan eedaha loo jeediyey.