Soomaaliya oo Sheegtay In Ay Garab Taagan Tahay Shiinaha

0
605

Muqdisho (Hargeisa Press) – Soomaaliya, ayaa sheegtay inay si buuxda u garab taagan tahay Shiinaha, xilli xiisad xooggan ay ka dhex qaraxday Mareykanka iyo Shiinaha oo ku aadan Taiwan. 

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku celineysaa taageeradeeda xooggan ee ku aadan qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed, sharafta dhuleed iyo midniamda qaran ee Shiinaha, waxayna ku baaqeysaa in loo hoggaansamo qaraarada QM iyo Midowga Afrika ee quseeya,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya.

Waxay intaas ku dartay in Soomaaliya ay shaaca ka qaadeyso inay ku garab taagan tahay shacabka Shiinaha difaacidda madax-banaanidooda iyo sharaftooda dhuleed, ayna xoojineyso mowqifkeeda ku aaddan “Hal China,” iyada oo u aragta Taiwan qeyb ka mid ah dhulka Shiinaha oo aanu muran ka taagneyn. 

“Soomaaliya waxay xidhiidh soo jireen ah la leedahay Shiinaha, kaasi oo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah uu ku qeexan yahay siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka dhinacyada faa’iidada u wada ah, taasi oo ay sii dheer tahay ka wadashaqeynta mowqifyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.”

Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, ayaa ku soo beegmaya iyada oo cadho xooggan oo dhanka Beijing ah ay ka dhalatay booqashadii ay afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Peolis ay Arbacadii ku tagtay Taiwan.  

Jimcihii, Wasaaradda Arrimaha Shiinaha ayaa cambaareysay booqashada Pelosi kuna qeexday “ficil xun oo daan-daansi ah,” waxayna sheegtay in safarkeeda uu ka dhigan yahay “Faro-gelin toos ah oo lagu sameeyey arrimaha gudaha Shiinaha.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here