Soomaaliya oo go’aansatay inay laba jibaarto curyaaminta Somaliland

0
2664

Muqdisho (Hargeisa Press)- Maamulka Soomaaliya, ayaa go’aansaday in ay laba jibaaraan curyaaminta dhinaca Ganacsiga, deeqaha caalamiga, abuurista xasilooni darro iyo waxkasta oo lagu waxyeelayn karo Somaliland.

Maamulka Soomaaliya, ayaa waraaqo u qoray dalal iyo hay’addo badan oo Somaliland ka taageera dhinaca mashaariicda horumarineed kuwaas oo ay ka codsatay in ay joojiyaan in ay toos ula xidhiidhaan xukuumadda Somaliland.

Soomaaliya, ayaa arrintan u xil saartay guddi gaar ah oo loo bixiyay, “Guddida yaraynta khatarta Somaliland” kuwaas oo u badan Beelaha Muqdisho.

Mashaariicda Soomaaliya ku taamayso waxa ku jira kuwa laga maalgeliyo sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF iyadoo dalalka taageera Sanduuqaasi u dirtay waraaqo ay kaga codsanayso in ay joojiyaan kaalmada.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Somaliland, ayaa sheegay in ay Madaxweynaha Soomaaliya ku wargeliyeen in arrintani sii fogaynayso Somaliland balse uu ku adkaystay fulinta go’aankiisa iyo in la go’doomiyo Somaliland.

Waddamada Soomaaliya cadaadiska Somaliland ka taageeraya waxa ku jira Turkiga, Masar iyo Jabuuti, iyagoo go’aan kan qaatay kadib markii ay suuragal noqon wayday jabhad ay markii hore qorsheeyeen in laga sameeyo galbeedka Somaliland.

Si kastaba, arrintan, ayaa ku soo beegmaysa xilli siyaasiyiinta Somaliland ku murmayaan siyaasadda gudaha, iyadoona looga baahan yahay inay u midoobaan cadowga Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here