Hargaysa (Hargeisa Press.com): Siyaasi Cali Maxamed Waran Cade, oo xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland soo maray ayaa tafaasiil ka bixiyay musawirkii uu madaxweynaha Somaliland Xajka kula soo galay wasiirradii ka socday dawladda federaalka Soomaaliya.
Cali Maxamed Waran Cade, oo ka mid ahaa Xujaydii reer Somaliland ee madaxweynaha ku wehelinayay gudashadda Xajka ee sanadkan, isla markaana sawirkaasi muranka badan dhaliyay ku jiray ayaa sheegay in aanay waxba iska bedelin mawqifkii Somaliland ee arrimaha Soomaaliya.
Waxaanu tilmaamay in Xajku uu yahay meel aanay dadka Xajka gudanayaa wax kala sarayn ah ku lahayn, isla markaana halkii sida caadiga ah lagu dejin jiray xujayda ka yimaadda Soomaaliya meel u dhaw lagu dejiyay sanadkan xujayda reer Somaliland.
Siyaasi Cali Waran Cade, oo hadal ka jeediyay munaasibad maanta lagu qabtay Hargaysa, waxa kaloo uu sheegay in sababta ay sawirka u wada galeen weftigii Somaliland oo madaxweynuhu-na ka mid ahaa iyo kuwa Soomaaliya ay sababtay labadda meelood ee isku xiga ee lagu dejiyay xujayda Somaliland iyo kuwa Soomaaliya.
Waran Cade, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Nimanka reer koonfureed, halkii aynu markii hore ka taagnayd iyo meel ka sii shishaysa ayaynu ka taagan nahay. Ninkii eega xagga Soomaaliya Qoortu way maqan tahay, ee sidaas ha loo ogaado.
Anagu-na Xajka ayaanu ku kulanay. Meel Islaamku mid yahay, oo madax iyo Mijo aan la kala lahayn, oo qabyaalad aan la kala lahayn, oo aan dawlado la kala lahayn, ayaa la joogay.
Awal iyaga (Soomaaliya) ayuun baa Xajka nidaam madax dawlad ka socota ku tegi jiray, wixii ka danbeeyay intii aynu ka go’nay Soomaaliya. Markaa imika hore ayaynu u soo kacnay, isku meel ayaana la ina dejiyay”.
Waxaanu intaasi raaciyay, “Halkii ku deji jireen, ayuun baa qolkii ku xigay anaga-na (Xujayda Somaliland) nala dejiyay, oo inaga ayaa kor u soo yaro kacnay. Dadku-na Islaam ayuu wada ahaa.
Markaa salaan wax aan ahayn, la isku dhaafin. Markaa ninkii Xamar yar eegayoow, halkaa waxba kuma jiraane, haku lumina”ayuu yidhi Cali Waran Cade.
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.