Shirkado Caalami Ah oo Maalgashi Ku Samaynaya Somaliland

0
2072

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland Maxamed Cismaan Siciid, ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kulan kula yeeshay Mr. Sushil Kumar, oo ah aasaasaha iyo maareeyaha maamulka ee RS Groups, “Recycling Scrap Metals, Battery, and Aluminum Industry” iyo sidoo kale maamulaha shirkad kale, GRADWELL OIL. FIELD Ltd.

Kulankan, ayaa agaasimaha waxaa ku wehelinayay u qaybsanaha ganacsiga Somaliland u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Yuusuf Axmed Cali.

Labadan shirkadood, ayaa danaynaya inay maalgashi la taaban karo ku sameeyaan Somaliland, halkaas oo ay si gaar ah diiradda u saari doonaan macdanta iyo warshadaha dalka.

Labada shirkadoodba waxay maalgashi la taaban karo ku sameeyeen wadamo ku yaala qaarada Afrika gaara ahaan Senegal, South Sudan iyo Ethiopia.

Waxaa kulankan lagaga wadahadlay fursadaha maalgashi ee ay Somaliland ay ka heli karaan iyo sida Somaliland u tahay dal ay yaalaan fursado badan oo maalgashiyo laga fulin karo oo leh deegaan soojiidasho iyo soo dhawayn maalgashatada ajaaniibta ah taasoo ay maalgashi ku samayn karaan kana faa’iidaysan karaan fursadaha yaalla Somaliland.

Si gaar ah waxaa loogu iftiimiyey wershadaha ay xiisaynayaan, taas oo aad u soo jiidatay; iyaga oo soo dhaweeyey inay booqasho ku yimaadaan Somaliland toddobaadka soo socda si looga wadahadlo warbixino-na looga siiyo khayraadka dihin ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here