Soo Dhaweyn Indhaha Soo Jiidatay oo Shacabka Degmada Allay-baday Ku Qaabileen Wefti uu Murrashaxa KULMIYE Hoggaaminayo + SAWIRRO

0
1486
Wefti culus oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi

Allay-baday , (HargeisaPress) —Wefti culus oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmadda Allay-baday iyo deegaannada Idhanka Deeroyahanka iyo Geed-ballaadh oo dhammaantooda ka tirsan Gobolka Gabiley.

Weftigan oo hawlo shaqo ku maraya deegaanno ka tirsan galbeedka dalka, kana kooban masuuliyiin sarsare ee KULMIYE, wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo haldoor ku jira xisbiga, ayaa soo dhawaymo indho-daraaran ah lagu qaabilay degaamada Koonfurta iyo Koonfur/bari ee Gobolka Gabiley, gaar ahaan Idhanka Deeroyahanka, Geed-ballaadh iyo degmada Allay-baday oo uu weftigu isu maray maanta.

 

Degmada Allay-baday oo soo dhawaynta ugu ballaadhani ka dhacday waxa weftiga Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE qaabilaadooda isugu soo baxay mowjado kumanaan dadweyne ka mid ah kuwa ku dhaqan halkaasi ah, kuwaas oo goob ka baxsan magaalada xarunta degmada u ah ee Allaybaday kaga hortagay taagay iyagoo ku labisan astaanta xisbiga KULMIYE iyo caleemo qoyan oo ay ku muujinayaan taageerada xisbigana lulaya, kadibna waxa weftiga loo gelbiyey madal si heersare ah loo sharraxay oo ay weftigu kala hadleen shacabka reer Allay-baday.

Maamulka xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan degmada Allay-baday, ayaa uga mahadnaqay shacabka taageerada laxaadka leh ee ay u muujiyeen weftiga uu hoggaaminayo murrashax Muuse Biixi Cabdi, waxaanay bulshada ku adkeeyeen inay u diyaargaroobaan sidii ay codkoodana u siin lahaayeen murrashaxiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Siyaasiyiin, salaadiin, cuqaal, haween, dhallinyaro iyo xubno kale oo ka mid ah haldoorka degmada Allay-baday oo madasha ka hadlay, ayaa si mug leh u caddeeyey taageerada baaxadda leh ee ay u hayaan xisbul-xaakimka, waxaanay Guddoomiyaha iyo weftigiisa ku bogaadiyeen booqashadooda iyo socdaalka ay ugu kuurgaleen deegaanka, iyaga oo isku raacay in waxqabadka xukuumadda KULMIYE sababtay taageerada muuqata ee shacabka ka muuqata.

 

Wasiirka Wasaaradaha Beeraha Md. Maxamed Aw Daahir, ayaa sheegay inay shacabka degmada Allay-baday ka siman yihiin taageerada KULMIYE iyo murrashaxiintiisa, isla markaana diyaar u yihiin inay codkooda iy cududoodaba ku taageeraan xisbiga.

Siyaasiyiinta Axmed Muumin Seed iyo Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa mahadnaq kadib shacabka ku dhiirrigeliyey inay sii libin-laabaan taageerada ay xisbiga KULMIYE u hayaan, waxaanay taageerada mowjadaha ah ee xisbigu kala kulmay gobolka Gabiley ku macneeyeen mid tilmaan cad ka bixinaysa guusha xisbiga.

Wefti culus oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah siyaasiyiinta KULMIYE ee weftigan ku wehelinaya Murrashaxa Madaxweynaha, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu u jeediyey shacabka degmada Allay-baday uga mahadceliyey soo dhaweynta milgaha leh iyo abaabulka xamaasadaysan ee ay shacabku u muujiyeen weftiga uu uu xbinta ka yahay, waxaannu ku boorriyey inay sii labanlaabaan taageerada ay u hayaan xisbiga iyo murrashaxiintiisa Madaxweyne iyo ku-xigeen.

“Codka la isku soo dhaweynmaayo oo cid baa leh oo xisbi baa leh, laakiin soo dhaweynta kale waa la wada leeyahay, labada xisbi-qaran ee kale marti bay idiin yihiin oo hadal wanaagsan iyo sharaf baad kusoo dhaweynaysaan, laakiin codka gobolkan xisbiga KULMIYE murrashaxiintiisa Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici baa leh,” ayuu yidhi Md. Samaale.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna dadweynaha reer Allaybaday u jeediyey khudbad muhiim ah oo dhinacyo kala duwan uu ku soo qaatay, waxaannu shaaciyey inay xisbi ahaan ka go’antahay dhammaystirka qabyooyinka ku jira waxqabadka xukuumadda iyo hindiseyaal hore oo horumarineed, waxaannu yidhi, “KULMIYE qorshihiisu waxa weeye inuu sii wado dhabbihii uu jeexay madaxweynaha hadda jooga Mudane Axmed Siilaanyo, barnaamijkii uu xisbigu berigii hore ku hawlgalayna intiisii badnayd waa la fuliyey, qabyona way jirtaa, marka hawl la galona dhaliilaa soo baxa, annaguna waxaannu haynaa waxaas waanu qabanay, intaasina way naga qaldantay oo waanu saxaynaa, intaasna haddaanu curinaynaa oo waddo jeexan oo aanu qabyo-tirayno ayaanu haynaa, Waddada Ceerigaabo waanu bilownay oo waanu dhammaytiraynaa, mashruuca xoolaha seerayaasha loogu samaynayona waanu horumarinaynaa, tacliinta Iskuullada bilaash baanu ka dhignay, ardaydii baa bataday oo macallimiintii baa ku yaraatay oo hoos u dhacbaa yimi, dhibaatadaasna waanu saxaynaa oo dhaqaalahaanu u badinaynaa, cusbitaallada gobollada kor baanu u qaadnay, waxaanna aanu bilownay in Kelyaha lagu sifeeyo cusbitaalka Hargeysa, waxaannuna rabnaa inaanu mashruucaas lixda gobolba geyno.”

 

Waxa kaloo uu ka hadlay tartanka doorashada madaxtooyada, waxannu shacabka u caddeeyey waxyaabaha uu dheeryahay murrashaxiinta kale ee la tartamaysa waxaannu yidhi, “Murrashaxiinta tartamaysa markaan qiyaaso, annigu murrashax ahaan mid baan leeyahay oo aanay igu haysanin idinkuna markhaati ka tihiin oo dalka iyo dadkaba waan uga waayo aragsanahay, nimankaasi sida ay ii dheer yihiin inay Finland iyo Ruushka iga yaqaaniin, aniguna dalkaan ka aqaanaa.”

Guddoomiyuhu waxa uu farriin u diray bulshada ku dhaqan gobollada galbeed ee dalka oo ay ka soo jeedaan labada murrashax ee Madaxweynaha iyo ku-xigeenka KULMIYE, “Ballanteenu waa haddii aynu gobollada Galbeedka nahay waxaynu haynaa caddaalad, ilbaxnimo, horumar, is aaminaad iyo inaynu dalka wadaleenahay oo aynaan kala lahayn oo nin waliba halka uu doono uu degi karo iyo inaannu idiin ballanqaadno inaanaan wanaag mooyaane aanaan wax shar ah idiin haynin, xilka ugu weynina wuxuu fuulayaa dadka dhallinyarada ah rag iyo dumarba,” ayuu yidhi murrashax Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale, weftiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu soo dhawayno waawayn uu kala kulmay deegaannada Idhanka Deeroyahanka iyo Geed-ballaadh oo dadweynaha ku dhaqani isugu soo baxeen soo dhawaynta madaxda xisbiga.

Salaadiinta, boqorrada, waxgaradka, dhallinyarada, haweenka iyo haldoorka deegaannada oo horkacaya taageerayaal tiro badan oo deegaannadan kasoo jeeda, isla markaana ay hareero socdaan madaxda xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan gobolka Gabiley, ayaa weftiga si qiimo leh u soo dhaweeyey.

Boqor Muxumed Geelle Seed oo kamid ah madax-dhaqameedka Gobolka Gabiley oo hadal ka jeediyey deegaanka Indhanka Deeroyahanka, ayaa soo dhaweeyey weftiga uu hoggaaminayo murrashax Muuse Biixi Cabdi, waxaannu sheegay inay bulsho ahaan si buuxda ula dhacsan yihiin siyaasadda xukuumadda KULMIYE, isla markaana ay si aan kala hadh lahayn codkooda u siin doonaan codkooda.

Maayarka Gabiley Md. Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo isaguna madasha soo dhaweynta ah ka hadlay, ayaa shacabka reer Idhanka uga mahadceliyey soo dhaweyntooda, waxaannu ku boorriyey inay codkooda la garabgalaan KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.

Sidoo kale, waxgaradka, aqoonyahanka, salaadiinta iyo haldoorka deegaanka Geed-ballaadh oo hormood u ah shacabka deegaanka, ayaa soo dhaweyn xamaasadaysan ku qaabilay Guddoomiyaha iyo weftigiisa, waxaanay halkaas hadallo soo dhaweyn ah ka jeediyeen, ka jeediyey, siyaasiyiin weftiga kamid ah iyo haldoorka deegaanka Geed-ballaadh, kuwaas oo sheegay inay si aan kala hadh lahayn u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbado mahadnaq u badan u jeediyey shacabweynaha iyo taageerayaasha deegaannadan kusoo dhaweeyey, ayaa ku dheeraaday doorkii lama ilaawaanka ahaa ee shacabkani ku lahaayeen halgankii dib u xoraynta dalka, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu si gaar ah maanka ugu haysto taageerada shucuubtani u hayaan xisbiga KULMIYE.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here