“Madaxweyne Muuse Biixi, Xabadihii Ku Dhacay Wuxuu Ka Qaaday Madax Adayg” Faysal Cali Waraabe

0
1216
Hargeisa (Hargeisa Press)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ay is hayaan madaxweyne Muuse iyo qaranka Somaliland,isla markaana aanay ku eegi Karin inuu sharcigii dalka u yaallay ka talaabsado.
Sidaas waxa uu ka sheegay gudoomiye Faysal mar uu maanta xaflad u sameeyey guddid doorashooyinka ee hore ee wakhtigu ka dhamaaday, taas oo uu gudoonsiiyey shahaado sharafyo.
Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in madaxweyne Muuse ka soo hadhay madax adayg iyo inuu sharcigii ka dhigay siduu doonayo.
“Hadii ay doorashadu dhici waydo tallo ayay shacabku iskaga imanayaa, maanta dalkeena wasaarad shaqaynaysa ma jirto, waxa uu dalkii ka dhiga madaxweyne Muuse tukaan uu lahaa oo xaqdaro kaga maqnaa 26 sanno oo uu soo ceshaday oo uu leeyahay aniga leh, taasina waxa suurogalaysa oo shacabku yeelayo maaha “ayuu yidhi Faysal oo eedo usoo jeediyey madaxweyne Biixi.
“Madaxweynihii aynu islahayn waxbuu hagaajinaya waxay tallo kaga soo hadhay madax adayg, laba sanno ayaa intaas baryayey oo madaxaan ka dhukaday way iga dhamaatay dulqaadii in nin qayrkay ah oo aan ixtiraamay oo madaxweyne ka dhignay oo la shaqaynay intaas in ka badan aan baryaa noqon mayso oo shacabka Somaliland u baryi maayo, Kalitalisnimo dalkani kuma soconayo; qofka aan doonana waan xidhaya, waxaan jecelahay baa sharci ah waxaanan doonayna sharci maaha la aqbali maayo.” ayuu intaasi raaciyay Guddoomiye Faysal.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in wada hadalkii muranka komishanka doorashooyinka loo xil saara ganacsato iyo culimada inay kala hadlaan.
“Wada hadaladii komishana ku saabsanaa ee muranku ka taagna may dhamaanin waxan ku wareejinay dadkii wadankan dhaqaalaha ugu badan lahaa ee ganacsadatada iyo culimo uu idinka ahaa, anigoo rajo weyn ka qabin inuu yeeli doono in uu doorkan yeeli doonno ayaan ilaahay ka baryeyaa”

Hoos ka daawo muuqaalka

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here