“Somaliland Weligeed kamuu dhicin oo way ka Caagan Tahay Falalka Budhcad Baddeeda” Wasiir Cali Mareexaan

0
259

Hargeysa,(HargeisaPress)–Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa sheegay in Somaliland ay xor ka tahay islamarkaana ka caagan tahay budhcad baddeeda ka jirta Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu ka hadlay kala duwanaanshaha Somaliland iyo Soomaaliya ee arrinta budhcad baddeeda.

“Meel kasta oo aad ka tagto adduunka Soomaaliya waxa loo yaqaanaa meeshii budhcad baddeeda,” ayuu Wasiir Cali Xasan ku yidhi qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter), isagoo dabo- socday war ciwaankiisu ahaa “Markabkii budhcad baddeeda Soomaalidu qabsatay oo gaadhay Hindiya si loo baadho afduubkiisii” oo uu qoray Telefishanka Aljazeera qaybtiisa Ingiriisidu.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu sheegay in aanu weligeed Jamhuuriyadda Somaliland ka dhicin fal budhcad baddeed iyo noocnaba qaska budhcad baddeedu ka geysatay Soomaaliya oo kale, waxaannu yidhi “Marka aan joogo Jamhuuriyadda Somaliland way ka caagan tahay falalka budhcad baddeednimada iyo nooc kasta oo facaa’ilka budhcad baddeednimada Soomaaliya laga geystay oo kale ah.”

Wasiirku wuxuu ku dooday in dhegxumada iyo ceebta facaa’ilka ka dhacay Soomaaliya uu wax u dhimay sumcadii Soomaalida oo dhan.

“Arrintan budhcad baddeeda oo kale haddii aanu nahay muwaadiniinta Somaliland sidee ayaanu magacayaga uga saarnaa xumaanta iyo cuqdada laga qabo badhcad baddeeda Soomaaliya,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Qore: Cumar Maxamed Faarax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here