Somaliland: Wasaaradda Ciyaaraha Oo Markii U Horaysay Ka Hadashay Cabashadii Kooxda Xulka Maroodi-jeex, Kana Hadashay Xilliga Uu Bilaabmayo Wareega Labaad

0
751

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, ayaa markii u horaysay ka hadashay cabashadii xoogganayd ee ka soo yeedhay kooxda kubadda cagta ee xulka gobalka Maroodi-jeex, kaas oo ay ku sheegeen in sifo qeyrul qaynuuni ah lagaga reebay tartanka wareega labaad ee ciyaaraha gobalada dalka.

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi, Maxamed Xuseen Dhabeeye, ayaa sheegay in cabashada kooxda gobalka maroodi-jeex ay hortaalo xidhiidhka kubadda cagta ee Somaliland, iyo Guddiga anshaxa, isla markaana aan loo baahnayn in ay kooxdu canbaarayso Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, waxaanu Agaasimuhu ka hadlay xilliga rasmiga ah ee ay bilaabmayaan tartanka xulalka gobalada u soo gudbay wareega labaad ee lagu qabanayo Hargeysa, waxaanu ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi,”Horta ujeedaddu waxa weeye in ay dadku si fiican u fahnaan una ogaadaan, kooxdu waxay ku hadhayso sharcigaanu u gudbinay oo way u cadayd, way arkeen cid waliba way ka war haysaa, wixii ay tabanayaanma yea sharciga ha u soo maraan.

 

Tababare kasta iyo koox kasta oo rigoore lagu dhiggana marka hore ma yeelaan oo way ka doodaan, laakiin way aqbalaan in la laado rigooraha, oo waa laga qaban karaa, waa la dul marin karaa, ciyaartii baa wakhti kuu hadhsan yahayoo aad dhamaysanaysaa, sidaa daradeed, markaad halkaa marto ayaad dacwoon kartaa, laakiin waxa weeye Inanka marka rigoore loo qaban waayo, ama gool uu is lwwyahay waa qalad lagu dhaliyo ama casaan la siiyo isagu markiiba feedh iyo dhagax kaga jawaabaya ama kooxda odhanaysa ciyaarta sii wadan mayno, kooxdaasi sharciga ay ku dacwoonayso iyadaa keeni doonta halka uu yaalo.

 

” Agaasimaha oo arrimahan tafasiil ka sii bixinayaa waxa kale oo yidhi, ”Guddi anshaxeed iyo dacwadeed oo loo dacwoodo ayaa jirta, aniguna immika arrintaa faahfaahinteeda ma hayo, laakiin waxay yidhaahdeen Wasaaradaanu u dacwoonay, markaa dacwada ay wasaarada u soo gudbiyeen iyo in ay si sax ah tahay iyo nidaamkeeda iyo waxaanu ka odhan doono maan sheegin, laakiin Wasaarad ahaan ariintaa waanu iska arkaynaa oo go’aan baanu ka soo saaraynaa, laakiin waxaan ka hadlayaa arrin guud oo u baahan in ay dadkoo dhami fahmaan.

 

” Agaasimaha guud ee Wasaarada oo ka hadlayay wakhtiga ay sida rasmiga ah u bilaabmi doonaan wareega labaad ee tartanka gobalada ee Hargeysa ka dhici doonaa, waxa uu yidhi, ”Isha Allaahu, si dhakhso ayuu bilaabmayaa, gacantaa lagu hayaa qabanqaabdiisa, markaa waxa jira arrimo yaryar oo kooban oo khaladaad farsamo ah oo laba seddex maalmood lagu hagaajinayo, markaa waanu sheegi doonaa xilliga ay dhacayaan.” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here