Somaliland: Xaaladihii Ugu Danbeeyay Ee Caabuqa Corona Virus

0
590

Hargaysa (HP):  Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa ka warbixiyay xaaladihii ugu danbeeyay ee caabuqa Corona Virus iyo halka ay marayso hawsha ka hor taga xanuunkaasi.

Waxaanu sheegay in aanay jirin wax kiisas cusub oo soo kordhay, marka laga reebo shanti qof ee  hore loo shaaciyay, isla markaana aanay jirin cid ilaa hadda Somaliland ugu dhimatay xanuunkaasi.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo maanta warbaahinta la hadlay waxa kaloo uu intaas raaciyay in ay jiraan 11 qof oo dheecaano laga qaaday oo weli baadhitaan ku jira. Halka 139 qof-na  laga baadhay caabuqa Corona Virus.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sidoo kale waxa uu fariimo wacyigelineed oo kala duwan u diray bulshadda Somaliland.

Daawo Dr. Xergeeye Oo Arrimahaas ka hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here