Somaliland Waa inay Xorriyadiisa u Soo Celisaa Suxufi Maxamed Adan Dirir, ayuu yidhi ururka caalamiga ah ee CPJ

0
1124
Committee to Protect Journalists

Hargeysa,(HargeisaPress) —War-saxaafadeed uu soo saaray ururka u dooda xuquuqda suxufiyiinta ee magaciisa la yidhaahdo Committee to Protect Journalists (CPJ) ayaa dawladda Somaliland ugu baaqay inay xorriyadiisa u soo celiso Maxamed Adan Dirir oo la xidhay 16 September 2017.

Warsaxaafadeedka waxa lagu sheegay in Maxamed loo hayso qoraalo lagu eedeyey inuu qoray oo ku eedaynaya dugsiga Noradin maamul xumo iyo hab dhaqan xun.

“In warbixinada dembi laga dhigo iyo in la xidho suxufiyiintu maaha habka lagu wajaho in wax laga qabto muranada ku saabsan xog la daabacay,” ayay tidhi Angela Quintal oo ah Isku duwaha CPJ ee Barnaamijka Afrika. “Waxaanu ugu baaqaynaa masuuliyiinta inay sida ugu dhaqsaha badan u sii daayaan Maxamed Dirir oo ay laalaan baadhintaanka la xidhiidha shaqadiisa,” ayay ku dartay.

CPJ warka ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in Mahad oo ah madaxa iskuulada Noradin uu u sheegay inuu isagu ka cawday warbixinta uu Maxamed qoray.

Halkan ka eeg warbixinta oo dhamaystiran:

https://cpj.org/2017/09/somaliland-journalist-detained-on-false-news-accus.php

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here