Somaliland: U Jeedadda Kulan Dhexmaray Xukuumadda iyo Xisbiyadda Mucaaradka

0
578

Hargaysa (HP): Xukuumadda Somaliland iyo hogaanka xisbiyadda mucaaradka  Somaliland ee UCID iyo Waddani ayaa manta kulan ka yeeshay arrimaha qabsoomida doorashooyinka is barkan ee goleyaasha Wakiiladda iyo deegaanka.

Kulankaasi oo ka qabsoomay hudheelka Ambassador ee magaaladda Haragaysa waxaa dhinaca xukuumadda u metelayay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye  Axmed Cabdi Dheere.

Iyadoo  uu wehelinayay la taliyaha madaxweyne Muuse Biixi ee arrimaha doorashooyinka C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga Kulmiye.

Halka dhinaca axsaabta mucaaradkana ay goob joog ka ahaayeen guddoomiyaha xisbiga Waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, iyo sidoo kale masuuliyiin iyo siyaasiyiin ka kala tirsan  xisbiyadda UCID iyo Waddani.

La taliyaha madaxweyne Biixi ee arrimaha doorashooyinka C/laahi Cukuse, ayaa kadib markii kulankaasi soo dhamaaday waxa uu warbaahinta faahfaahin ka siiyay waxyaabihii kulankaasi lagaga wada hadlay.

Waxaanu yidhi “Kulanka muhiimadiisu arrimaha doorashooyinka ayuun bay ahayd.  Waxaa doraad la dhaariyay labadii xubnood ee ka dhimanaa komishanka doorashooyinka Somaliland. Taasoo ahayd mid ka mida waxyaabihii dib u dhacyadda ku keenayay qabsoomida doorashooyinka”.

Geesta kale C/laahi Cukuse, waxa uu sheegay in kulankan maant uu gogol xaadh u yahay kulamo kale oo ay yeelan doonaan axsaabta siyaasadda iyo xukuumadu, kuwaasoo lagaga wada tashan doono sidii ay doorashooyinku wakhtigoodda ugu qabsoomi lahaayeen.

“Waxa uu kulankani maanta bilaw u yahay, kulamo dhawr ah oo lagaga hadli doono qabyo-tirista waxyaabaha kale ee ku gedaaman qabsoomida doorashooyinka, ee u baahan in la xalilo. Iyo waxyaabaha kale ee u baahan in aynu doorashooyinka qabsano, wakhtiga ugu haboon ee ugu dhakhso badan” ayuu yidhi C/laahi Cukuse.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here