Somaliland oo Xisbiga WADDANI ku eedaysay inuu Soomaaliya la aragti yahay

0
3254

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay eedaymo culus u jeedisay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, iyadoona ku eedaysay inuu Soomaaliya la aragti yahay.

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta qaranka Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno oo hadal ka jeediyay munaasibad ka dhacday Hargeysa, ayaa xisbiga Waddani ku eedeeyay in uu xaqiro waxqabadka xukuumadda, isla-markaana warar aan sugnanayn uu faafiyo.

Waxa uu sheegay in xisbiga Waddani uu xukuumadda ka faafiyay beeno uu ku sheegay in xukuumadu ay magaalada Boorama u aqoonsatay meel aan nabad ahayn.

Wasiir Toorno, wuxuu sheegay in Xisbiga Waddani iyo dowladda Soomaaliya ay wakhti isku mid ah ka wadahadleen, shir ay hay’addi soo qaban-qaabisay oo ka dhici lahaa Boorama oo la joojiyay, madaama sida uu sheegay shirka lagu casuumay dad aan reer Somaliland ahayn oo aan fasax haysan.

Xisbiga Waddani, ayuu ku eedeeyay in uu caadaystay in uu qariyo wax qabadka xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye, isla markaana uu ku olloleeyo in uu niyad jabiyo dhallinyarada oo uu si taban wax ugu sheeego.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here