Xukuumada Somaliland oo Mamnuucday Tukashada Salaada Ciida iyo Isku Socodka Gaadiidka iyo Dadka

0
2079

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xukuumada Somaliland ayaa maanta go’aan kasoo saartay tukashada Salaada Ciidul-fidriga oo maalmo kooban ay naga xigaan.

Guddiga ka hortaga iyo u diyaar-garowga cudurka Covid-19 ee Somaliland ayaa shaaciyay inay gebi ahaanba la joojiyey tukashada Salaadaasi, xili uu si weyn ugu sii fidayo cudurka Coronavirus.

Cabdiraxmaan Saylici, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna Guddoomiyaha guddigaasi, ayaa sheegay in shir maanta u qabsoomay guddigaasi ay isku raaceen in gebi ahaanba la joojiyo tukashada Salaadaasi.

Saylici ayaa sidoo kale sheegay in gebi ahaanba uu xidhnaan doono isku socodka gobolada Somaliland muddo labo maalmood oo ciida ah, si loo yareeyo faafida cudurka safmarka ah.

Guddiga ayaa waxa kale oo ay soo saareen amar lagu mamnuucayo goobaha ay caruurtu ku ciyaaran maalmaha ciida, kuwaasi oo maalmaha ciida ay waalidiintu geeyaan caruurtooda, si ay ula qeybsadaan farxada.

Waxayna bulshada ku nool Somaliland ugu baaqeen inay guryahooda ugu dabaal dagaan Ciida, si loo yareeyo faafitaanka cudurkaasi oo u muuqda mid si xawli ah ugu sii fidaya Somaliland.

Somaliland ayaa wajaheysa halista cudurka safmarka ah ee Coronavirus, iyada oo maalmihii u dambeeyay ay kor u kaceen kiisaska iyo dhimashada uu sababsaday cudurkaasi.

Go,aamada ay gudidu soo saaratay ayaa u dhignaa sidan:-

1- in la joojiyey tukashadii salaadda ciidda iyo isku imaantigii bulshada

2- in aan la furi karin goobaha caruurta lagu ciyaarsiiyo wakhtiyada ciidaha

3- in la joojiyey isku socodkii gaadiidka iyo dadka muddo saddex maalmood ah oo ka bilaabmaysa maalinta Ciidda ka horeysa

4- iyo dugsiyada dalka la galiyey fasaxoodii caadiga ahaa laguna soo noqonayo Bisha July.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here