Somaliland oo ka Qaybgashay Shir Caalami ah + SAWIRRO

0
1102

Addis Ababa (HargeisaPress):- Wafti ka socda dowladda Somaliland, ayaa lagu casuumay oo Masuuliyiin ka socdaa ka qaybgaleen Shir Caalami ah oo lagaga hadlay horumarinta magaalooyinka oo maanta ka furmay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia.

Waxaa hoggaaminayey Waftiga Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka JSL Mudane Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi Xamarje, oo ay wehelinayaan Maayarada Hargeysa Abdikarim Ahmed Mooge, Berbera Cabdishakuur Cidin, Boorama, Gebilay, Tog-Wajaale, Mukhtar Cabdi Jaamac (Baaxo) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo arrimaha Bini-aadaminnimada, Maxamed Siciid Maxamuud Agaasimaha Guud ee Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka,
Cabdi Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka Cimilada, iyo Masuulin kale oo ka tirsan Dawladda Somaliland, ayaa maanta ka qaybgalay shir caalamiga ah oo ay soo qaban-qaabiyeen Hay’adda City Alliance iyo Jaamacada Jigjiga, kaasoo maanta ka furmay Magaalada Adis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalay madaxda Magalooyinka uu maro corridoku, kaasoo isku xidha Magaalooyinka Berbera iyo Addis-Ababa, (the East African City Corridor Dialogue).

Shirkan, ayaa lagaga hadlayaa Iskaashiga Gobolka, isu-socodka Ganacsiga, Isbedelka Cimilada, horuumarinta Magaalooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale, waxaa ka qaybgalay Masuuliyiin ka kala socday Ethiopia, Magaalooyinkeeda, Dalalka Afrika iyo Waddamada Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here