Somaliland Oo Ka Hadashay Mawqifkeedda Dagaalka Tigrey Ee Itoobiya

0
391

Hargaysa (HP): Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay dhex ka tahay arrimaha colaadaha iyo dagaaladda ka aloosan dalka Itoobiya.
Wasiir Ciise, waxa uu tilmaamay in Somaliland ay soo dhawaynayso dadaalkasta oo keenaya in Itoobiya nabad lagu soo dabaalo.
Balse mawqifka siyaasada arrimaha dibada Somaliland uu yahay in anay Somaliland faragalin siyaasada arrimaha gudaha dal kale.
Dr. Ciise Kayd Maxamuud, oo waraysi siiyay telefishanka BBC Somali, isagoo ku sugan magaaladda London ee dalka UK oo uu safar shaqo ku joogo ayaa sidoo kale waxaa wax laga waydiiyay socdaalkii uu todobaadkan Hargaysa ku yimid weftigii uu hogaaminayay madaxweynaha DDS Itoobiya.

Waxaanu sheegay in madaxweynaha dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo madaxweynaha Somaliland ay ka wada hadleen amniga, iskaashiga iyo arrimo la xidhiidha sirdoonka.
Dhinaca kale kadib kulankii Hargaysa ku dhex maray madaxweyne Mustafe Cagjar, iyo madaxweyne Muuse Biixi, ayay warbaahinta dawlada Itoobiya ee EBC oo ka waramaysay wixii laga wada hadlay sheegtay in madaxweynaha Somaliland taageeray dagaalka Itoobiya kula jirto Tigrey.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here