Somaliland oo Ka Hadashay Aragtideeda Xilka Qaadistii Ra’iisal Wasaarihii Soomaaliya

0
2691

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay go’aankii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee lagu riday xukuumaddii ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, Liibaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa ka hadlay arrintaasi, wuxuuna sheegay in go’aanka baarlamaanka Soomaaliya uu ahaa mid ay ka muuqato mas’uuliyad darro aad u weyn.

Wasiir Liibaan ayaa sidoo kale tilmaamay in Somaliland ay la yaabtay sida fudud ee lagu riday xukuumaddii Khayre, taas oo uu xusay inay ka yaabisay adduunka oo dhan.

“Dowlad wax aan ka badnayd rubux-saac gudaheeda lagu ridday waa arrin aduunka oo dhan la yaabay, waa arrin ay ka muuqato iyadda dhexdooda aanay is-aamini karin, Beesha Caalamka ee la shaqeyneysay aanay aamni karin, innagana dowladii wadahadalada nala wadday in ay 30 daqiiqadood ku dhacdo waxay muujineysaa sidda ay Unreliable u tahay xukuumadda Muqdisho ka dhisan, waana nasiib darro.” ayuu yidhi wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in Somaliland ayna wax saameyn ah ku yeelan doonin is-bedalkaasi, islamarkaana uu Soomaaliya kala dhexeeyo kaliya wada-hadal.

“Marka Somaliland iyo Soomaaliya waxay wadaagaan ma jirto oo aan wadahadaladdaas ahayn,” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Ma jirto sabab aan mowqif uga yeelanayo waxyaabaha ka dhacaya wadamada jaarka ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here