Somaliland Oo Dubai Kaga Qayb Gelaysa Shir Ku Saabsan Maalgashiga

0
896

Dubai (Hargeisa Press.com): Masuuliyiin ka socda jamhuuriyadda Somaliland ayaa magaaladda Dubai kaga qayb gelaya shir ku saabsan maalgashiga aduunka oo sanadkiiba mar lagu qabto wadanka imaaraadka carabta.

Somaliland sanadkii 2aad ayay ka qayb gelaysaa shirkan,  in ka badan 139 dawladood ayaa ka qayb gala sanad walba shirkaasi oo ka qabsooma magaaladda Dubai. Kaasoo la filayo in uu maalmaha soo socda furmo.

Wadan waliba waxa uu soo bandhigaa fursadaha maalgashi ee ka banaan wadankiisa.waxaana la filayaa in masuuliyiinta ka socda Somaliland ee shirkaasi ka qayb gelaya ay ku soo bandhigi doonaan fursadaha maalgashi ee ka banaan Somaliland.

Waxa kaloo inta shirkaasi socdo kulamo iyo shirar lala yeeshaa wasiirrada dawladda imaaraadka carabta. Sida uu sheegay wakiilka Somaliland u jooga magaaladda Dubai ee isu-taga imaaraadka carabta, danjire Xasan Yaasiin, oo u waramay warbaahinta dawladda Somaliland.

“Waxaan filaynaa in sanadkan-na in ay shirkan nagala soo qayb galaan wasiirro dhawra. Somaliland-na ay fursad u heli doonto in ay soo bandhigi doonto, meelaha ugu badan ee fursado maalgashi ay ka jiraan.

Taasoo ay sahashay xidhiidhka dhaw, iskaashiga iyo maalgashiga uu imaaraadka carabtu ka sameeyay dalka Somaliland”ayuu yidhi damjire Xasan Yaasiin.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Shirkan waxaa noogu  diyaara  shirkado waaweyn oo danaynaya in ay maalgashadaan Somaliland oo muddo badan xidhiidh noo soo socday.

Waxaanan rejaynaynaa in fursadda shirkan nooga banaan ay tahay in aanu ku soo jiidano indhaha caalamka”.

Shirkan waxaa la filayaa in ay ka qayb geli doonaan masuuliyiin ka socda xukuumadda Somaliland oo ay ka mid yihiin  wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade, maayarka degmadda Bullo-xaar, iyo xubno dhalinyaro reer somaliland  ah oo sameeyay hal-abuur ganacsi.”

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here