Somaliland oo Dhiseysa Taawar Lagula Soconayo Amniga Baddaha

0
1467

Berbera (Hargeisa Press)- Taliyaha guud ee ciidanka xeebaha Somaliland, Admiral Axmed Hurre Haariye, ayaa kormeeray dhismaha xarunta isgaadhsiinta ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland ee magaalada Berbera.

Tiyaha oo madasha hadal ka jeediyay, ayaa waxaa uu sheegay in dhismahaasi dhammaan doono bisha sagaalaad ee sannadkan haddii.

Sidoo kale, waxa uu xusay in dhismahani uu yahay Taawar iyo xarun isgaadhsiineed oo weyn, isla markaana si casriya loo dhisayo, ciidankuna kula socon doono dhaqdhaqaaqa iyo badaha amniga JSL iyo kuwa aynu jaarka nahay ee ay ugu horrayso Yemen, waxaanu intaas ku daray in la arki doono cidkasta oo dulmaraysa ilaa 100 Niyuuti Kaalmeyl oo cabirka baddaha ah.

Waxaanu yidhi. “Waxa halkan dhismaheedu ka socda xarun isgaadhsiineed, baddana laga daawanayo taasi oo qayb weyn ka qaadanaysa xagga ammaanka.

Dhismahan waxa dhisaysa hay’adda EUCAP, waxaanu dhammaan doona bisha sagaalad ee sannadkan haddii ILLAAHEY yidhaahdo, dhismahani waxa uu gaadhsiisana yahay 100 Niyuuti Kaalmeyn, marka cabirka badda loo eego, kaas oo ah dhinaca bari, dhinaca galbeed iyo dhinaca baddaba, 100 Niyuuti Kaalmeyn marka lagaadho waa lajooga xuduudii inoo dhaxaysay innaga Yemen.

Dhismahan iyo hirgelinta mashruucani waxa uu wax weyn ka tari doona horumarka ammaanka baddaha Somaliland”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here