Hargaysa (HP): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xeer madaxweyne ku soo saaray wareegto lagu mamnuucayo in dadka u dhashay somaliland ay ka-qayb-qaadan karaan siyaasada Soomaaliya.
Waxaanu madaxweynuhu wareegtadaasi ku sheegay in qof kasta oo u dhashay Somaliland ha noqdo masuul dawladeed, shicib, urur, axsaab, aqoon-yahan, madax-dhaqameed, suugaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha bulshada ee ka qayb galla siyaasadda Soomaaliya in lagu qaadi doono denbi Khiyaamo qaran.
Waxa kaloo wareegtadaasi lagu sheegay in xukuumadda Somaliland oo kaliya ay ka qayb gali karto shirarka ay ku kulmayaan Somaliland iyo Soomaaliya, ee loo arko in ay dani ku jirto ee aan ka hor imanaynin jiritaanka qarannimada iyo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Qodobadda uu arrintani u cuskaday madaxweyne Biixi, waxaa ka mid ahayd degreeto madaxweyne oo lanbarkeedu yahay No: 213/2003 oo ku taariikhaysan 29/10/2003 ee lagu baahinayay go’aanka ay wada-jirka ku soo saareen labada gole qaran ee baarlamaanka Somaliland.
Wareegtadaasina waxay u dhignayd sidan:
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.