Somaliland oo cambaareysay gardarrada Maamulka Muqdisho ka waddo Qorilugud iyo Buuhoodle

0
3575

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, ayaa si adag u cambaaraysey gardarrada ay xukuumadda taagta daran ee Muqdisho ka waddo deegaanka Qorilugud ee gobolka Buuhoodle.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland, ayaa falkan ku tilmaamtay isku day uu maamulka Muqdisho ee fashilmay ku doonayo inuu ku wiiqo habsami u socodka doorashada Dimuqraadiga ah ee 13 November 2024 ka qabsoomi doonta Somaliland.

Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland, ayaa waxaa ay ugu baaqday xulafadeeda iyo guud ahaan beesha caalamka inay la garab istaagaan cambaaraynta weerarkaas.

War-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada HargeisaPress, ayaa u dhignaa sidan:-

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si xooggan u cambaaraynaysaa falkii waxshinnimada ahaa ee ay maamulka Muqdisho oo kaashanaya maleeshiyaad ka soo jeeda bariga gobolka Sool iyo kooxo argagixisada ah ee Al-shabaab ku soo qaadeen magaalada Buuhuudle, kuwaasoo lagu bartilmaameedsaday dad aan waxba galabsan oo ku sugnaa magaalada Qorilugud iyo deegaanno hoos yimaadda.

Warsaxaafadeedka ayaa falkan ku tilmaamay isku day uu maamulka Muqdisho ee fashilmay ku doonayo inuu ku wiiqo habsami u socodka doorashada Dimuqraadiga ah ee 13 . November 2024 ka qabsoomi doonta Somaliland.

Wararka ka imanaya aaggaasi ayaa sheegaya in halkaa lagu dilay Cabdiqani Sulub. oo ahaa taliyaha 2aad ee xerada AL-shabaab ee Buuhoodle, taasoo caddayn u ah ku lug lahaanshaha Al-shabaab, taasoo ay tahay in bulshada caalamku ka warqabto.

Falalka noocan ahi waxa ay ka dhigan yihiin xad-gudub weyn oo ka dhan ah qarannimada Somaliland iyo weerar lagu soo qaaday nabadgalyadeeda iyo xasilloonideeda.

“Garadarrada iyo weerarrada argagixisada ah ee rajiimka Muqdisho ee ka dhanka ah muwaadiniinta Somaliland, waxa ay daaha ka rogaysaa,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkan, quusta soo wajahday iyo ixtiraam la’aanka ay u hayaan nolosha aadanaha.

Weerarkani maaha mid khatar ku ah oo kaliya geeddi socodka dimuqraadiyadda Somalialnd, balse waxa uu sidoo khatar ku yahay xasilloonida geeska Afrika guud ahaan.

Weerarkani maaha mid khatar toos ah ku ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland oo keliya balse wuxuu khatar ku yahay xasilloonida Geeska Afrika oo dhan.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay beesha caalamka ugu baaqaysaa inay si xooggan u cambaarayso falka gardarrada ah ee uu ku kacay maamulka fashilmay ee ka taliya Xalane, waxaanay Somaliland ku boorrinaysaa dhammaan dalalka Saaxiibka la ah inay mawqif adag ka istaagaan falkan badheedhaka ah ee xaasillooni darrada sababaya isla markaana ay taageeraan xaqa ay Somaliland u leedahay inay doorasahadeeda ku qabsato si xor iyo xalaal ah oo ka madhan faragalin shisheeye.

Somaliland waxa ay caddaynaysaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta muwaadiniinteeda, ilaalinta qiyamka Dimuqraaddiga ah iyo inay qarannimadeeda iyo madax-banaanideeda ka dhowrto weerarro aan loo baahnayn.

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu soo gabgabeeyay waxa ay Somaliland ugu baaqaysaa xulafadeeda iyo guud ahaan beesha caalamka inay nala garab istaagaan naqdiga weerarkaas, ilaalinta shuruucda caalamiga ah iyo taageeridda rabitaanka shacbiga Somaliland ee ku wajahan nabadda, xasilloonida iyo dimuqraadiyadda.

Xukuumadda Somaliland waxay ugu baaqaysaa xulafadeeda iyo guud ahaan beesha caalamka inay nala garab istaagaan cambaaraynta weerarkaas, ilaalinta shuruucda caalamiga ah iyo taageeridda rabitaanka shacabka Somaliland ee ku aaddan nabadda, xasilloonida iyo dimuqraadiyadda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here