Somaliland Oo Beenisay Xogta Dawladda Soomaaliya Baahisay Ee Kiisaska Coronavirus

0
506
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye

Hargaysa (HP): Somaliland ayaa been abuur iyo tiro khaldan ku tilmaamay xog ka soo baxda Soomaaliya oo ku saabsan dadka xanuunka Covid-19  laga helay ee ku sugan Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye, xog khaldan ky sheegay warka ku saabsan tiradda Coronavirus-ka ee dadka laga hello Somaliland.

Hadalka Dr. xergeeye, ayaa jawaab u ah dawladda Soomaaliya oo xogaha Coronavirus ee ay muddooyinkan danbe faafiyaan waxaa ku jirta xog ay Somaliland ka sheegaan.

Taasoo ay Somaliland ku tilmaantay in aanu jirin wax xog is waydaarsi ah oo ka dhexeeya iyaga iyo dawladda Soomaaliya.

“Dawladda Koonfurta Soomaaliya wax anaga naga dhexeeya oo xog is waydaarsi ahi ma jirto. Marar badan na waan ka hadlay, oo waanu sheegnay. Xogta ay Somaliland ka sheegaan waa xog gebi ahaanba been abuur ah, oo xaqiiqada aanan ku fadhin sal iyo raad toona aanan lahayn”ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland oo la hadlay BBC.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Berigii hore waxay sheegi jireen in xogta aanu anagu sheegno ay soo xigtaan. Laakiin, imika waxaabay sheegeen xog meel ay ka keeneen aan la garanaynin, oo been abuur ah, oo gebi ahaanba aan ahayn wax jira.

Markaa waxaanu la yaabnay ummad dadkoodii been u sheegaysa ayuun baanu u aragnay. Haddii xogta Somaliland ay been ka sheegeene, xogtoodana sida ay run uga sheegi karaan waa arrin is waydiin leh.

Tusaale ahaan toddobaad ka hor waxay sheegeen in 40 qof cudurka laga helay Somaliland, mana jirin arrintasi. Waxaan cadaynayaa in xogta ay ka sheegaan Somaliland ay tahay been abuur”.

Dhinaca kale, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland waxa uu ka warbixiyay kor u kac ku yimid tiradda kiisaska Covid-19 ee Somaliland.

Waxaanu yidhi, “Xanuunku badhtamihii sanadkii hore ee 2020-kii hoos ayuu u dhacay. Laakiin, badhtihii bishii labaad ee sanadkan 2021-ka, waxoogaa kor u kac ah ayaa jiray.  Anaguna waxaanu diyaar u nahay in aanu kor u kacaa ka hawl-galno wasaarad ahaan iyo qaran ahaanba”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here