Somaliland: “Nama khuseeyo sharciga Baatroolka ee Soomaaliya”…

0
958

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aanu khusaynin sharciga soo saarista Baatroolka ee ay dhawaan ansixiyeen golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka dawladda Soomaaliya.

Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal, wasiirka wasaaradda macdanta iyo Tamarta ee Somaliland ayaa sharcigaasi ku tilmaamay mid u khaasa Soomaaliya, isla markaana aanay Somaliland qayb ka ahayn federaalka Soomaaliya.

Wasiir Jaamac Maxamuud Cigaal,  waxa uu tilmaamay in Somaliland ay soo dhawaynayso in haddii ay dawladda Soomaaliya  iyo shacabkeedu ay isku raacsan yihiin in ay la soo baxaan Baatroolka dhulkeedda.

Waxaanu wasiirku intaas raaciyay in Somaliland ay qoraallo la xidhiidha in aanu sharcigaasi khusaynin u gudbisay beesha caalamka iyo shirkadaha dawladda Soomaaliya heshiiska kula galay soo saariista Baatroolka.

Jaamac Cigaal, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Wixii ay Soomaaliya qabsanayso, ee ay shacbigeedda ugu danaynayso, iyaguna ay isku raacsan yihiin, anagu (Somaliland) waxba kama qabno, ee waanu ku hambalyaynaynaa.

Laakiin, waxan Soomaaliya la yidhaahdo, ama federaalka Soomaaliya, Somaliland kuma jirto.  Markaa sharciyan iyo siyaasiyan, labadaba Somaliland qayb kama aha, mana khuseeyo sharcigaasi.

Somaliland shaqona kuma laha, mana khuseeyo. Haddii Soomaaliya ay wax la soo baxayaan waan ku taageeraynaa”.

“Qoraallo ayaanu u qornay caalamka intii sharcigani uu soo baxay, meel walbana waanu gaadhsiinay. Shirkaduhu-na way og yihiin waxa jira iyo in Somaliland ay tahay dal jira, oo heshiisyo la galla caalamka.

Waanay isku dayday dawladda Farmaajo ee daalaa dhacaysaa in ay bur-buriso heshiisyadda ay Somaliland la gasho caalamka, laakiin way u socon wayday” ayuu yidhi wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland oo maanta u waramay Universal TV.

Waxa kaloo uu sheegay wasiir Jaamac Cigaal, in aanay Somaliland waxba kaga jirin heshiiska Baatroolka ee Soomaaliya, isla markaana aanay maamul goboleedyadda federaalka Soomaaliya laftoodu u dhamayn.

“Waa iska riyo arrinkaasi. Iyaga (maamul goboleedyadda Soomaaliya)  gudahoodda wax loo dhan yahay ha samaystaan, ka hor inta aanay Somaliland soo gaadhin”.

Geesta kale wasiirka oo la waydiiyay in ay dhici karto in xubno sheegan karaan in ay Somaliland metelayaan ay sharcigaasi ku doodaan in uu dhulka Somaliland ka dhaqan geli doono.

Waxaanu ku jawaabay, “Kuwaasi Somaliland uma tirsana, shaqsi keliya oo isagu sheeganaya in uu Somaliland metelayo.

Waa sida kuwa imikaba ku jira golaha wasiirrada Soomaaliya iyo baarlamaankeedda,  Somaliland-na ma meteli karaan”.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here