Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Meel Mariyey Xeerka Codbixiyeyaasha

0
754

086aac7f277b21e1b6327f05b2ea442d_LHargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dhaqan galiyay Xeerka lagu maamulayo Codbixiyeyaasha Doorashada iyo diwaangalinta Muwaadiniinta Somaliland oo hore Goleyaasha Baarlamaanku u ansixiyay.
Xeerkan oo muddo muran ka dhex abuuray Golaha wakiilada ayaa Madaxweyne Siilaanyo maanta dhaqan galiyay, waxaana Qoraalka Madaxweynuhu u dhignaa sidan:-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/WM/240-2867/122014 ku meelmariyey, Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.
Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF-27642/2014 ee
ku taariikhaysan 06/12/2014 ee ay ku ansixiyeen Wax-ka-bedelka
iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha
Xeer Lr. 37/2007
Wuxuu soo saaray

Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.
ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here