Somaliland iyo Khoboro Jarmal ah oo qiimaynaya Saamaynta Fatahaadda Daadadku ku yeesheen Beeralayda

0
906

IMG_1427Gabiley,(HargeisaPress) — Xukuumadda Somaliland iyo Khoboro ka socota dalka Jarmalka, ayaa markii ugu horreysay si wada-jir ah u qiimaynaya saamaynta iyo dhibaatooyinka ay Fatahaadaha Daadadka Roobabka ka dhashay iyo Nabaad-guurka Abaaruhu sababeen ay ku yeesheen Dhulka Beeralayda ah ee dalka Somaliland.

Haddaba, iyadoo qiimayntaas la filinayo, ayaa Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole iyo Wefti uu hoggaaminayaa, waxay booqasho ku tageen gobolka Gabilay, isla markaana waxay mareen Dhulka Beeralayda ah ee Deegaanno ka tirsan gobolkaas, iyagoo u kuurgalaya saamaynta xilli-roobaadkan ay Fatahaadaha Daadka iyo Nabaad-guurka Deegaanku ku yeeshay Beeralayda.

Weftiga uu hoggaaminayo Wasiirka Beeruhu ayaa waxa ka mid ahaa wefti ka socday dalka Jarmalka oo dhawaan dalka soo gaadhay, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen masuuliyiin ka socda Baanka Jarmalka ee loo soo gaabiyo KFW  iyo masuul ka socday hay’adda GIZ ee ka soo jeeda dalka Jarmalka, waxaana sidoo kale weftiga ka mid ahaa masuuliyiin ka mid ah wasaaradda Beeraha Somaliland.

Masuuliyiinta wasaaradda Beeraha iyo masuuliyiinta ka socotay dalka Jarmalku waxa ay u kuur gal iyo indho indhayn ku soo mareen deegaano ka tirsan Gobolka Gabiley oo hoos yimaada degmada Allaybaday, halkaasi oo beerihii ay masuuliyiintu soo mareen ku soo arkeen saamaynta uu dil dilaaca ciida iyo fatahaadu ku yeesheen beerihii wax lagala soo bixi lahaa.

Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in meelaha ay kormeerka ku soo mareen ay ka mid yihiin halka ay ku kala baydhaan labada doox ee Waaheen iyo Biji, isla markaana rajaynayaan inay wasaaradda beeruhu ka samayso carro qabatin iyo biyo qabatin, isaga oo wasiirku ka codsaday  masuuliyiinta Jarmalka inay arintaasi kala shaqeeyaan.

Wasiirka Beeraha oo arintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Halkan aynu ku suganahay waa halka ay ku kala baydhaan togaga Waaheen iyo Biji, waxaanu rajaynaa in dhulka biyaha la xidho oo ay nagala shaqeyaan Jarmalku si beerahan go’aya ay u badbaadiyaan oo biyihii loogu qabto beeraha ayna u suurto gasho in Geedeeble ay biyihii kor u kacaan oo ay soo kordhaan waa mashruuc  biyo qabad ah waa mashruuc wax weyn u tari doona Somaliland”.

Thomas Herzberg oo ka socday Baanka dalka Jarmalka ee loo yaqaano KFW iyo Axmed C/laahi oo isna ka socday hay’adda Jarmalka ee GIZ ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan arinta wax lagaga qabanayo biyo qabatinka iyo ka hortagista nabaad guurka, isla markaana ay soo arkeen nabaad guur badan oo ku dhacay dhulal beeralay ah.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here